الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

6

1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,
2ليت كربي وزن ومصيبتي رفعت في الموازين جميعها.
2Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa, Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
3لانها الآن اثقل من رمل البحر. من اجل ذلك لغا كلامي.
3Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.
4لان سهام القدير فيّ وحمتها شاربة روحي. اهوال الله مصطفة ضدي.
4Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira, Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa, Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
5هل ينهق الفراء على العشب او يخور الثور على علفه.
5Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
6هل يؤكل المسيخ بلا ملح او يوجد طعم في مرق البقلة.
6Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa? Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?
7ما عافت نفسي ان تمسّها هذه صارت مثل خبزي الكريه
7Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.
8يا ليت طلبتي تاتي ويعطيني الله رجائي.
8Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
9ان يرضى الله بان يسحقني ويطلق يده فيقطعني.
9Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!
10فلا تزال تعزيتي وابتهاجي في عذاب لا يشفق اني لم اجحد كلام القدوس.
10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.
11ما هي قوتي حتى انتظر وما هي نهايتي حتى اصبّر نفسي.
11Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
12هل قوتي قوة الحجارة. هل لحمي نحاس.
12War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa?
13ألا انه ليست فيّ معونتي والمساعدة مطرودة عني
13War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?
14حق المحزون معروف من صاحبه وان ترك خشية القدير.
14Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.
15اما اخواني فقد غدروا مثل الغدير. مثل ساقية الوديان يعبرون.
15Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale, Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,
16التي هي عكرة من البرد ويختفي فيها الجليد.
16Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo.
17اذا جرت انقطعت. اذا حميت جفت من مكانها.
17Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.
18يعرّج السّفر عن طريقهم يدخلون التيه فيهلكون.
18Kuwa safraa gees bay uga leexdaan, Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.
19نظرت قوافل تيماء. سيارة سبأ رجوها.
19Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray, Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.
20خزوا في ما كانوا مطمئنين. جاءوا اليها فخجلوا.
20Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen, Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.
21فالآن قد صرتم مثلها. رايتم ضربة ففزعتم.
21Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.
22هل قلت اعطوني شيئا او من مالكم ارشوا من اجلي.
22Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?
23او نجوني من يد الخصم او من يد العتاة افدوني.
23Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?
24علموني فانا اسكت. وفهموني في اي شيء ضللت.
24Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
25ما اشد الكلام المستقيم واما التوبيخ منكم فعلى ماذا يبرهن.
25Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?
26هل تحسبون ان توبخوا كلمات. وكلام اليائس للريح.
26Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
27بل تلقون على اليتيم وتحفرون حفرة لصاحبكم.
27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
28والآن تفرسوا فيّ. فاني على وجوهكم لا اكذب.
28Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.
29ارجعوا. لا يكوننّ ظلم. ارجعوا ايضا. فيه حقي.
29Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran? Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?
30هل في لساني ظلم ام حنكي لا يميّز فسادا
30War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran? Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?