1ادع الآن. فهل لك من مجيب. والى اي القديسين تلتفت.
1Hadda bal u yeedh, mid kuu jawaabayaa ma jiraa? Balse kuwa quduuska ah midkoodee baad u jeesanaysaa?
2لان الغيظ يقتل الغبي والغيرة تميت الاحمق.
2Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila, Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.
3اني رأيت الغبي يتاصل وبغتة لعنت مربضه.
3Anba waxaan arkay nacas xidid yeeshay. Laakiinse degdeg baan u habaaray rugtiisii.
4بنوه بعيدون عن الامن وقد تحطموا في الباب ولا منقذ.
4Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin, Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa, Mana jiro mid samatabbixiyaa.
5الذين يأكل الجوعان حصيدهم ويأخذه حتى من الشوك ويشتف الضمآن ثروتهم.
5Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.
6ان البلية لا تخرج من التراب والشقاوة لا تنبت من الارض
6Waayo, belaayo kama soo baxdo ciidda, Dhibaatona kama soo dhex booddo dhulka,
7ولكن الانسان مولود للمشقة كما ان الجوارح لارتفاع الجناح
7Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay, Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
8لكن كنت اطلب الى الله وعلى الله اجعل امري.
8Aniguse Ilaah baan baryi lahaa, Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,
9الفاعل عظائم لا تفحص وعجائب لا تعد.
9Kaasoo sameeya waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Iyo waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin,
10المنزل مطرا على وجه الارض والمرسل المياه على البراري.
10Oo dhulka roob ku di'iya, Beerahana biyo u soo dira.
11الجاعل المتواضعين في العلى فيرتفع المحزونون الى امن.
11Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa, Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.
12المبطل افكار المحتالين فلا تجري ايديهم قصدا.
12Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada, Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii.
13الآخذ الحكماء بحيلتهم فتتهور مشورة الماكرين.
13Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.
14في النهار يصدمون ظلاما ويتلمّسون في الظهيرة كما في الليل.
14Oo maalinnimada ayay gudcur helaan, Oo hadhka ayay wax haabhaabaan sida habeennimada oo kale.
15المنجي البائس من السيف من فمهم ومن يد القوي.
15Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda, Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.
16فيكون للذليل رجاء وتسد الخطية فاها
16Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay, Xumaantuse afkeeday xidhaa.
17هوذا طوبى لرجل يؤدبه الله. فلا ترفض تأديب القدير.
17Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
18لانه هو يجرح ويعصب. يسحق ويداه تشفيان.
18Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
19في ست شدائد ينجيك وفي سبع لا يمسك سوء.
19Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.
20في الجوع يفديك من الموت وفي الحرب من حد السيف.
20Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.
21من سوط اللسان تختبأ فلا تخاف من الخراب اذا جاء.
21Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.
22تضحك على الخراب والمحل ولا تخشى وحوش الارض.
22Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta, Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.
23لانه مع حجارة الحقل عهدك ووحوش البرية تسالمك.
23Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.
24فتعلم ان خيمتك آمنة وتتعهد مربضك ولا تفقد شيئا.
24Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay, Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.
25وتعلم ان زرعك كثير وذريتك كعشب الارض.
25Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono, Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.
26تدخل المدفن في شيخوخة كرفع الكدس في اوانه.
26Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa, Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.
27ها ان ذا قد بحثنا عنه. كذا هو. فاسمعه واعلم انت لنفسك
27Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.