1فاجاب اليفاز التيماني وقال
1Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2ان امتحن احد كلمة معك فهل تستاء. ولكن من يستطيع الامتناع عن الكلام.
2Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa? Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
3ها انت قد ارشدت كثيرين وشددت ايادي مرتخية.
3Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay, Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
4قد اقام كلامك العاثر وثبت الركب المرتعشة.
4Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay, Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
5والآن اذ جاء عليك ضجرت. اذ مسّك ارتعت.
5Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa, Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
6أليست تقواك هي معتمدك ورجاؤك كمال طرقك.
6War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato, Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
7اذكر من هلك وهو بري واين أبيد المستقيمون.
7Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin? Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
8كما قد رايت ان الحارثين اثما والزارعين شقاوة يحصدونها.
8Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
9بنسمة الله يبيدون وبريح انفه يفنون.
9Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa, Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
10زمجرة الاسد وصوت الزئير وانياب الاشبال تكسرت.
10Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii, Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
11الليث هالك لعدم الفريسة واشبال اللبوة تبددت
11Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa, Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
12ثم اليّ تسللت كلمة فقبلت اذني منها ركزا.
12Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay, Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
13في الهواجس من رؤى الليل عند وقوع سبات على الناس
13Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan, Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
14اصابني رعب ورعدة فرجفت كل عظامي.
14Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay, Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
15فمرّت روح على وجهي. اقشعر شعر جسدي.
15Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray, Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
16وقفت ولكني لم اعرف منظرها. شبه قدام عينيّ. سمعت صوتا منخفضا
16Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay; Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay; Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
17أالانسان ابرّ من الله ام الرجل اطهر من خالقه.
17War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
18هوذا عبيده لا يأتمنهم والى ملائكته ينسب حماقة.
18Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo; Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
19فكم بالحري سكان بيوت من طين الذين اساسهم في التراب ويسحقون مثل العث.
19Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan, Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro, Oo sida balanbaallis u burbura!
20بين الصباح والمساء يحطمون. بدون منتبه اليهم الى الابد يبيدون
20Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo? Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.
21أما انتزعت منهم طنبهم. يموتون بلا حكمة
21Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo? Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.