الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

3

1بعد هذا فتح ايوب فاه وسبّ يومه
1Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay.
2واخذ ايوب يتكلم فقال
2Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:
3ليته هلك اليوم الذي ولدت فيه والليل الذي قال قد حبل برجل.
3Dharaartii aan dhashay ha baabba'do Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.
4ليكن ذلك اليوم ظلاما. لا يعتن به الله من فوق ولا يشرق عليه نهار.
4Maalintaasu gudcur ha ahaato; Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan, Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
5ليملكه الظلام وظل الموت. ليحل عليه سحاب. لترعبه كاسفات النهار.
5Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
6اما ذلك الليل فليمسكه الدجى ولا يفرح بين ايام السنة ولا يدخلنّ في عدد الشهور.
6Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado, Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn. Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.
7هوذا ذلك الليل ليكن عاقرا. لا يسمع فيه هتاف.
7Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo; Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.
8ليلعنه لاعنو اليوم المستعدون لايقاظ التنين.
8Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa, Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
9لتظلم نجوم عشائه. لينتظر النور ولا يكن ولا ير هدب الصبح.
9Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
10لانه لم يغلق ابواب بطن امي ولم يستر الشقاوة عن عينيّ.
10Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday, Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.
11لم لم امت من الرحم. عندما خرجت من البطن لم لم اسلم الروح.
11Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay? Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?
12لماذا اعانتني الركب ولم الثدي حتى ارضع.
12Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen? Amase naasuhu inaan nuugo?
13لاني قد كنت الآن مضطجعا ساكنا. حينئذ كنت نمت مستريحا
13Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,
14مع ملوك ومشيري الارض الذين بنوا اهراما لانفسهم
14Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,
15او مع رؤساء لهم ذهب المالئين بيوتهم فضة
15Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray, Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;
16او كسقط مطمور فلم اكن. كأجنّة لم يروا نورا.
16Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
17هناك يكف المنافقون عن الشغب وهناك يستريح المتعبون.
17Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.
18الاسرى يطمئنون جميعا. لا يسمعون صوت المسخّر
18Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.
19الصغير كما الكبير هناك العبد حر من سيده
19Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
20لم يعطى لشقي نور وحياة لمري النفس
20Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,
21الذين ينتظرون الموت وليس هو ويحفرون عليه اكثر من الكنوز
21Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,
22المسرورين الى ان يبتهجوا الفرحين عندما يجدون قبرا.
22Kuwaasoo aad u reyreeya, Oo farxa hadday qabriga heli karaan?
23لرجل قد خفي عليه طريقه وقد سيج الله حوله.
23Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay, Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
24لانه مثل خبزي ياتي انيني ومثل المياه تنسكب زفرتي
24Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.
25لاني ارتعابا ارتعبت فأتاني والذي فزعت منه جاء عليّ.
25Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto; Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.
26لم اطمئن ولم اسكن ولم استرح وقد جاء الرجز
26Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto; Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.