1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2قد سمعت كثيرا مثل هذا. معزون متعبون كلكم.
2Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
3هل من نهاية لكلام فارغ. او ماذا يهيجك حتى تجاوب.
3Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
4انا ايضا استطيع ان اتكلم مثلكم لو كانت انفسكم مكان نفسي وان اسرد عليكم اقوالا وأنغض راسي اليكم.
4Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda, Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale, Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa, Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
5بل كنت اشددكم بفمي وتعزية شفتيّ تمسككم
5Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
6ان تكلمت لم تمتنع كآبتي. وان سكت فماذا يذهب عني.
6Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
7انه الآن ضجّرني. خربت كل جماعتي.
7Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
8قبضت عليّ. وجد شاهد. قام عليّ هزالي يجاوب في وجهي.
8Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
9غضبه افترسني واضطهدني. حرّق عليّ اسنانه. عدوي يحدد عينيه عليّ.
9Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
10فغروا عليّ افواههم. لطموني على فكّي تعييرا. تعاونوا عليّ جميعا.
10Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
11دفعني الله الى الظالم وفي ايدي الاشرار طرحني.
11Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
12كنت مستريحا فزعزعني وامسك بقفاي فحطمني ونصبني له غرضا.
12Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
13احاطت بي رماته. شق كليتيّ ولم يشفق. سفك مرارتي على الارض.
13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
14يقتحمني اقتحاما على اقتحام. يعدو عليّ كجبار.
14Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
15خطت مسحا على جلدي ودسست في التراب قرني.
15Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
16احمر وجهي من البكاء وعلى هدبي ظل الموت.
16Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
17مع انه لا ظلم في يدي وصلاتي خالصة
17In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga, Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
18يا ارض لا تغطي دمي ولا يكن مكان لصراخي.
18Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
19ايضا الآن هوذا في السموات شهيدي وشاهدي في الاعالي.
19Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada, Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
20المستهزئون بي هم اصحابي. لله تقطر عيني
20Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
21لكي يحاكم الانسان عند الله كابن آدم لدى صاحبه.
21Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.
22اذا مضت سنون قليلة اسلك في طريق لا اعود منها
22Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.