الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

24

1لماذا اذ لم تختبئ الازمنة من القدير لا يرى عارفوه يومه.
1Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa? Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?
2ينقلون التخوم. يغتصبون قطيعا ويرعونه.
2Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya, Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.
3يستاقون حمار اليتامى ويرتهنون ثور الارملة.
3Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta, Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.
4يصدّون الفقراء عن الطريق. مساكين الارض يختبئون جميعا.
4Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.
5ها هم كالفراء في القفر يخرجون الى عملهم يبكرون للطعام. البادية لهم خبز لاولادهم.
5Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
6في الحقل يحصدون علفهم ويعللون كرم الشرير.
6Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka, Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
7يبيتون عراة بلا لبس وليس لهم كسوة في البرد.
7Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan, Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
8يبتلّون من مطر الجبال ولعدم الملجإ يعتنقون الصخر
8Waxaa iyaga qoya roobka buuraha, Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.
9يخطفون اليتيم عن الثدي ومن المساكين يرتهنون.
9Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada, Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10عراة يذهبون بلا لبس وجائعين يحملون حزما.
10Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11يعصرون الزيت داخل اسوارهم. يدوسون المعاصر ويعطشون.
11Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda, Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12من الوجع اناس يئنون ونفس الجرحى تستغيث والله لا ينتبه الى الظلم
12Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
13اولئك يكونون بين المتمردين على النور لا يعرفون طرقه ولا يلبثون في سبله.
13Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba, Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin, Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
14مع النور يقوم القاتل يقتل المسكين والفقير وفي الليل يكون كاللص.
14Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan, Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.
15وعين الزاني تلاحظ العشاء. يقول لا تراقبني عين. فيجعل سترا على وجهه.
15Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka, Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono, Oo wuu hagoogtaa.
16ينقبون البيوت في الظلام. في النهار يغلقون على انفسهم. لا يعرفون النور.
16Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan, Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan, Oo iftiinka maba yaqaaniin.
17لانه سواء عليهم الصباح وظل الموت. لانهم يعلمون اهوال ظل الموت.
17Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada, Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.
18خفيف هو على وجه المياه. ملعون نصيبهم في الارض. لا يتوجه الى طريق الكروم.
18Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa, Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray, Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
19القحط والقيظ يذهبان بمياه الثلج. كذا الهاوية بالذين اخطأوا.
19Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl, Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.
20تنساه الرحم يستحليه الدود. لا يذكر بعد وينكسر الاثيم كشجرة.
20Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga, Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono, Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.
21يسيء الى العاقر التي لم تلد ولا يحسن الى الارملة.
21Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin; Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.
22يمسك الاعزاء بقوته. يقوم فلا يأمن احد بحياته.
22Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
23يعطيه طمأنينة فيتوكل ولكن عيناه على طرقهم.
23Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan, Jidadkoodana ishuu ku hayaa.
24يترفعون قليلا ثم لا يكونون ويحطون. كالكل يجمعون وكرأس السنبلة يقطعون.
24Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan; Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan, Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay, Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?
25وان لم يكن كذا فمن يكذبني ويجعل كلامي لا شيئا
25Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay, Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?