1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2اليوم ايضا شكواي تمرد. ضربتي اثقل من تنهدي.
2Xataa maantadan guryankayga cabashada ahu waa qadhaadh yahay, Oo gacanta i saaranuna waa ka sii daran tahay cabashadayda.
3من يعطيني ان اجده فآتي الى كرسيه.
3Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!
4احسن الدعوى امامه واملأ فمي حججا.
4Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.
5فاعرف الاقوال التي بها يجيبني وافهم ما يقوله لي.
5Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.
6أبكثرة قوة يخاصمني. كلا. ولكنه كان ينتبه اليّ.
6Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.
7هنالك كان يحاجه المستقيم وكنت انجو الى الابد من قاضيّ.
7Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.
8هانذا اذهب شرقا فليس هو هناك وغربا فلا اشعر به
8Bal eega, hore baan u socdaa, laakiinse isagu halkaas ma joogo, Oo dib baan u socdaa, laakiinse ma aan heli karo.
9شمالا حيث عمله فلا انظره. يتعطف الجنوب فلا اراه
9Oo waxaan tagaa xagga bidix markuu shaqaynayo, laakiinse uma aan jeedi karo; Oo wuxuu ku dhuuntaa xagga midig laakiinse kama arki karo.
10لانه يعرف طريقي. اذا جربني اخرج كالذهب.
10Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro, Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.
11بخطواته استمسكت رجلي حفظت طريقه ولم أحد.
11Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa, Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.
12من وصية شفتيه لم ابرح. اكثر من فريضتي ذخرت كلام فيه.
12Dib ugama noqon amarkii bushimihiisa, Oo erayadii afkiisana waxaan u hayay wax ka qiimo badan cuntada aanan ka maarmin.
13اما هو فوحده فمن يردّه. ونفسه تشتهي فيفعل.
13Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.
14لانه يتمم المفروض عليّ وكثير مثل هذه عنده.
14Waayo, wuxuu oofiyaa wixii la ii amray, Oo waxyaalo badan oo saasoo kale ah ayuu maankiisa ku hayaa.
15من اجل ذلك ارتاع قدامه. اتأمل فارتعب منه.
15Sidaas daraaddeed ayaan hortiisa uga naxaa, Oo markaan ka fikiraba waan ka baqaa isaga.
16لان الله قد اضعف قلبي والقدير روّعني.
16Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey, Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.
17لاني لم أقطع قبل الظلام ومن وجهي لم يغط الدجى
17Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.