الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

22

1فاجاب اليفاز التيماني وقال
1Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2هل ينفع الانسان الله. بل ينفع نفسه الفطن.
2Ma nin baa Ilaah wax u tari kara? Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.
3هل من مسرّة للقدير اذا تبررت او من فائدة اذا قوّمت طرقك.
3Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa? Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?
4هل على تقواك يوبّخك او يدخل معك في المحاكمة.
4War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?
5أليس شرك عظيما وآثامك لا نهاية لها.
5Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.
6لانك ارتهنت اخاك بلا سبب وسلبت ثياب العراة.
6Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.
7ماء لم تسق العطشان وعن الجوعان منعت خبزا
7Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
8اما صاحب القوة فله الارض والمترفّع الوجه ساكن فيها.
8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.
9الارامل ارسلت خاليات وذراع اليتامى انسحقت.
9Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.
10لاجل ذلك حواليك فخاخ ويريعك رعب بغتة
10Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,
11او ظلمة فلا ترى وفيض المياه يغطيك
11Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.
12هوذا الله في علو السموات. وانظر راس الكواكب ما اعلاه.
12War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
13فقلت كيف يعلم الله. هل من وراء الضباب يقضي.
13Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?
14السحاب ستر له فلا يرى وعلى دائرة السموات يتمشى.
14Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag, Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.
15هل تحفظ طريق القدم الذي داسه رجال الاثم
15War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?
16الذين قبض عليهم قبل الوقت. الغمر انصبّ على اساسهم.
16Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.
17القائلين لله ابعد عنا. وماذا يفعل القدير لهم.
17Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?
18وهو قد ملأ بيوتهم خيرا. لتبعد عني مشورة الاشرار.
18Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan; Talada sharrowguse way iga fog tahay.
19الابرار ينظرون ويفرحون والبريء يستهزئ بهم قائلين
19Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan, Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,
20ألم يبد مقاومونا وبقيتهم قد اكلها النار
20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.
21تعرّف به واسلم. بذلك ياتيك خير.
21Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow, Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.
22اقبل الشريعة من فيه وضع كلامه في قلبك.
22Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli.
23ان رجعت الى القدير تبنى. ان ابعدت ظلما من خيمتك
23Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid, Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.
24والقيت التبر على التراب وذهب اوفير بين حصا الاودية.
24Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,
25يكون القدير تبرك وفضة اتعاب لك.
25Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.
26لانك حينئذ تتلذذ بالقدير وترفع الى الله وجهك.
26Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa, Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.
27تصلّي له فيستمع لك ونذورك توفيها.
27Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa, Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.
28وتجزم امرا فيثبت لك وعلى طرقك يضيء نور.
28Adiguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa; Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan.
29اذا وضعوا تقول رفع. ويخلص المنخفض العينين.
29Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin; Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.
30ينجي غير البريء وينجي بطهارة يديك
30Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin; Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.