1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2اسمعوا قولي سمعا وليكن هذا تعزيتكم.
2Maqla oo warkayga aad u dhegaysta, Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
3احتملوني وانا اتكلم وبعد كلامي استهزئوا.
3Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
4اما انا فهل شكواي من انسان. وان كانت فلماذا لا تضيق روحي.
4Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
5تفرسوا فيّ وتعجبوا وضعوا اليد على الفم
5Bal i eega, oo yaaba, Oo afkiinna gacanta saara.
6عندما اتذكر ارتاع واخذت بشري رعدة.
6Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa, Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
7لماذا تحيا الاشرار ويشيخون نعم ويتجبّرون قوة.
7Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
8نسلهم قائم امامهم معهم وذريتهم في اعينهم.
8Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
9بيوتهم آمنة من الخوف وليس عليهم عصا الله.
9Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
10ثورهم يلقح ولا يخطئ. بقرتهم تنتج ولا تسقط.
10Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan, Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
11يسرحون مثل الغنم رضّعهم واطفالهم ترقص.
11Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale, Oo carruurtooduna way cayaaraan.
12يحملون الدف والعود ويطربون بصوت المزمار.
12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
13يقضون ايامهم بالخير. في لحظة يهبطون الى الهاوية.
13Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.
14فيقولون للّه ابعد عنا. وبمعرفة طرقك لا نسرّ.
14Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
15من هو القدير حتى نعبده وماذا ننتفع ان التمسناه
15Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
16هوذا ليس في يدهم خيرهم. لتبعد عني مشورة الاشرار.
16Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto, Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.
17كم ينطفئ سراج الاشرار ويأتي عليهم بوارهم او يقسم لهم اوجاعا في غضبه
17Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
18او يكونون كالتبن قدام الريح وكالعاصفة التي تسرقها الزوبعة.
18Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
19الله يخزن اثمه لبنيه. ليجازه نفسه فيعلم.
19Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaal gudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.
20لتنظر عيناه هلاكه ومن حمة القدير يشرب.
20Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
21فما هي مسرّته في بيته بعده وقد تعيّن عدد شهوره
21Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?
22أالله يعلم معرفة وهو يقضي على العالين.
22Bal ma Ilaah baa wax la baraa? Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
23هذا يموت في عين كماله. كله مطمئن وساكن.
23Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay, Oo istareexsan oo xasilloon,
24احواضه ملآنة لبنا ومخ عظامه طريء.
24Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
25وذلك يموت بنفس مرة ولم يذق خيرا.
25Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.
26كلاهما يضطجعان معا في التراب والدود يغشاهما
26Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan, Oo dirxi baa korkooda daboola.
27هوذا قد علمت افكاركم والنيات التي بها تظلمونني.
27Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.
28لانكم تقولون اين بيت العاتي واين خيمة مساكن الاشرار.
28Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?
29أفلم تسالوا عابري السبيل ولم تفطنوا لدلائلهم.
29Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?
30انه ليوم البوار يمسك الشرير ليوم السخط يقادون.
30Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
31من يعلن طريقه لوجهه. ومن يجازيه على ما عمل.
31Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaal marin doona wixii uu sameeyey?
32هو الى القبور يقاد وعلى المدفن يسهر.
32Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.
33حلو له مدر الوادي. يزحف كل انسان وراءه وقدامه ما لا عدد له.
33Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?
34فكيف تعزونني باطلا واجوبتكم بقيت خيانة
34Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?