1فاجاب صوفر النعماتي وقال
1Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
2من اجل ذلك هواجسي تجيبني ولهذا هيجاني فيّ.
2Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda, Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
3تعيير توبيخي اسمع. وروح من فهمي يجيبني
3Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
4أما علمت هذا من القديم منذ وضع الانسان على الارض
4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
5ان هتاف الاشرار من قريب وفرح الفاجر الى لحظة.
5Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
6ولو بلغ السموات طوله ومسّ راسه السحاب.
6In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
7كجلّته الى الابد يبيد. الذين رأوه يقولون اين هو.
7Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida xaarkiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?
8كالحلم يطير فلا يوجد ويطرد كطيف الليل.
8Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono, Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
9عين ابصرته لا تعود تراه ومكانه لن يراه بعد.
9Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
10بنوه يترضون الفقراء ويداه تردان ثروته.
10Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta, Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
11عظامه ملآنة شبيبة ومعه في التراب تضطجع.
11Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
12ان حلا في فمه الشر واخفاه تحت لسانه
12In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay, In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
13اشفق عليه ولم يتركه بل حبسه وسط حنكه
13In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn, Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,
14فخبزه في امعائه يتحول. مرارة اصلال في بطنه.
14Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa, Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.
15قد بلع ثروة فيتقيأها. الله يطردها من بطنه.
15Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa, Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
16سمّ الاصلال يرضع. يقتله لسان الافعى.
16Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.
17لا يرى الجداول انهار سواقي عسل ولبن.
17Oo ma uu fiirin doono webiyada, Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
18يرد تعبه ولا يبلعه. كمال تحت رجع. ولا يفرح.
18Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono, Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
19لانه رضض المساكين وتركهم واغتصب بيتا ولم يبنه
19Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
20لانه لم يعرف في بطنه قناعة لا ينجو بمشتهاه.
20Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn, Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.
21ليست من اكله بقية لاجل ذلك لا يدوم خيره.
21Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.
22مع ملء رغده يتضايق. تأتي عليه يد كل شقي.
22Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doontaa.
23يكون عندما يملأ بطنه ان الله يرسل عليه حمو غضبه ويمطره عليه عند طعامه.
23Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado, Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis, Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.
24يفر من سلاح حديد. تخرقه قوس نحاس.
24Wuu ka carari doonaa hubka birta ah, Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
25جذبه فخرج من بطنه والبارق من مرارته مرق. عليه رعوب.
25Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa, Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda, Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
26كل ظلمة مختبأة لذخائره. تأكله نار لم تنفخ. ترعى البقية في خيمته.
26Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa; Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona, Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.
27السموات تعلن اثمه والارض تنهض عليه.
27Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.
28تزول غلة بيته. تهراق في يوم غضبه.
28Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa, Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.
29هذا نصيب الانسان الشرير من عند الله وميراث أمره من القدير
29Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.