الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

19

1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,
2حتى متى تعذبون نفسي وتسحقونني بالكلام.
2War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan?
3هذه عشر مرات اخزيتموني. لم تخجلوا من ان تحكروني.
3Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
4وهبني ضللت حقا. عليّ تستقر ضلالتي.
4Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay, Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.
5ان كنتم بالحق تستكبرون عليّ فثبتوا عليّ عاري.
5Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,
6فاعلموا اذا ان الله قد عوّجني ولف عليّ احبولته.
6Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
7ها اني اصرخ ظلما فلا أستجاب. ادعو وليس حكم.
7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
8قد حوّط طريقي فلا اعبر وعلى سبلي جعل ظلاما.
8Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.
9ازال عني كرامتي ونزع تاج راسي.
9Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.
10هدمني من كل جهة فذهبت. وقلع مثل شجرة رجائي.
10Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.
11واضرم عليّ غضبه وحسبني كاعدائه.
11Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.
12معا جاءت غزاته واعدّوا عليّ طريقهم وحلّوا حول خيمتي.
12Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.
13قد ابعد عني اخوتي. ومعارفي زاغوا عني.
13Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.
14اقاربي قد خذلوني والذين عرفوني نسوني.
14Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
15نزلاء بيتي وامائي يحسبونني اجنبيا. صرت في اعينهم غريبا.
15Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.
16عبدي دعوت فلم يجب. بفمي تضرعت اليه.
16Waxaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.
17نكهتي مكروهة عند امرأتي وخممت عند ابناء احشائي.
17Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda, Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.
18الاولاد ايضا قد رذلوني. اذا قمت يتكلمون عليّ.
18Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.
19كرهني كل رجالي والذين احببتهم انقلبوا عليّ.
19Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.
20عظمي قد لصق بجلدي ولحمي ونجوت بجلد اسناني.
20Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.
21تراءفوا تراءفوا انتم عليّ يا اصحابي لان يد الله قد مسّتني.
21Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.
22لماذا تطاردونني كما الله ولا تشبعون من لحمي
22Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?
23ليت كلماتي الآن تكتب. يا ليتها رسمت في سفر
23Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!
24ونقرت الى الابد في الصخر بقلم حديد وبرصاص.
24Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas!
25اما انا فقد علمت ان وليّي حيّ والآخر على الارض يقوم
25Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.
26وبعد ان يفنى جلدي هذا وبدون جسدي ارى الله
26Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
27الذي اراه انا لنفسي وعيناي تنظران وليس آخر. الى ذلك تتوق كليتاي في جوفي.
27Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay.
28فانكم تقولون لماذا نطارده. والكلام الاصلي يوجد عندي.
28Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay, Bal maxaannu isaga u silcinnaa?Si aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.
29خافوا على انفسكم من السيف لان الغيظ من آثام السيف. لكي تعلموا ما هو القضاء
29Si aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.