1فاجاب بلدد الشوحي وقال
1Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2الى متى تضعون اشراكا للكلام. تعقّلوا وبعد نتكلم.
2War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.
3لماذا حسبنا كالبهيمة وتنجسنا في عيونكم.
3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?
4يا ايها المفترس نفسه في غيظه هل لاجلك تخلى الارض او يزحزح الصخر من مكانه
4War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?
5نعم. نور الاشرار ينطفئ ولا يضيء لهيب ناره.
5Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa, Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.
6النور يظلم في خيمته وسراجه فوقه ينطفئ.
6Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
7تقصر خطوات قوته وتصرعه مشورته.
7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
8لان رجليه تدفعانه في المصلاة فيمشي الى شبكة.
8Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
9يمسك الفخ بعقبه وتتمكن منه الشرك.
9Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.
10مطمورة في الارض حبالته ومصيدته في السبيل.
10Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
11ترهبه اهوال من حوله وتذعره عند رجليه.
11Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
12تكون قوته جائعة والبوار مهيأ بجانبه.
12Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.
13ياكل اعضاء جسده يأكل اعضاءه بكر الموت.
13Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.
14ينقطع عن خيمته عن اعتماده ويساق الى ملك الاهوال.
14Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.
15يسكن في خيمته من ليس له. يذر على مربضه كبريت.
15Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
16من تحت تيبس اصوله ومن فوق يقطع فرعه.
16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
17ذكره يبيد من الارض ولا اسم له على وجه البر.
17Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.
18يدفع من النور الى الظلمة ومن المسكونة يطرد.
18Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
19لا نسل ولا عقب له بين شعبه ولا شارد في محاله.
19Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
20يتعجب من يومه المتأخرون ويقشعر الاقدمون.
20Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa, Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.
21انما تلك مساكن فاعلي الشر وهذا مقام من لا يعرف الله
21Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.