1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2كيف اعنت من لا قوة له وخلصت ذراعا لا عزّ لها.
2Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
3كيف اشرت على من لا حكمة له واظهرت الفهم بكثرة.
3Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
4لمن اعلنت اقوالا ونسمة من خرجت منك
4Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
5الأخيلة ترتعد من تحت المياه وسكانها.
5Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
6الهاوية عريانة قدامه والهلاك ليس له غطاء.
6She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh.
7يمد الشمال على الخلاء ويعلّق الارض على لا شيء.
7Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
8يصرّ المياه في سحبه فلا يتمزق الغيم تحتها.
8Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
9يحجب وجه كرسيه باسطا عليه سحابه.
9Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
10رسم حدّا على وجه المياه عند اتصال النور بالظلمة.
10Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.
11اعمدة السموات ترتعد وترتاع من زجره.
11Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
12بقوته يزعج البحر وبفهمه يسحق رهب.
12Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
13بنفخته السموات مسفرة ويداه ابدأتا الحية الهاربة.
13Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?
14ها هذه اطراف طرقه وما اخفض الكلام الذي نسمعه منه. واما رعد جبروته فمن يفهم
14Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?