الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

33

1ولكن اسمع الآن يا ايوب اقوالي واصغ الى كل كلامي.
1Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.
2هانذا قد فتحت فمي. لساني نطق في حنكي.
2Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.
3استقامة قلبي كلامي ومعرفة شفتيّ هما تنطقان بها خالصة.
3Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.
4روح الله صنعني ونسمة القدير احيتني.
4Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.
5ان استطعت فاجبني. احسن الدعوى امامي. انتصب.
5Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.
6هانذا حسب قولك عوضا عن الله انا ايضا من الطين تقرصت.
6Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.
7هوذا هيبتي لا ترهبك وجلالي لا يثقل عليك
7Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.
8انك قد قلت في مسامعي وصوت اقوالك سمعت.
8Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,
9قلت انا بريء بلا ذنب. زكي انا ولا اثم لي.
9Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.
10هوذا يطلب عليّ علل عداوة. يحسبني عدوا له.
10Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;
11وضع رجليّ في المقطرة. يراقب كل طرقي
11Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.
12ها انك في هذا لم تصب. انا اجيبك. لان الله اعظم من الانسان.
12Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.
13لماذا تخاصمه. لان كل اموره لا يجاوب عنها.
13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.
14لكن الله يتكلم مرة وباثنتين لا يلاحظ الانسان.
14Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar, Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.
15في حلم في رؤيا الليل عند سقوط سبات على الناس في النعاس على المضجع
15Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o,
16حينئذ يكشف آذان الناس ويختم على تاديبهم.
16Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
17ليحول الانسان عن عمله ويكتم الكبرياء عن الرجل
17Si uu dadka uga soo celiyo qastigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
18ليمنع نفسه عن الحفرة وحياته من الزوال بحربة الموت.
18Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yaamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.
19ايضا يؤدب بالوجع على مضجعه ومخاصمة عظامه دائمة
19Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.
20فتكره حياته خبزا ونفسه الطعام الشهي.
20Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.
21فيبلى لحمه عن العيان وتنبري عظامه فلا ترى
21Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.
22وتقرب نفسه الى القبر وحياته الى المميتين.
22Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yaamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.
23ان وجد عنده مرسل وسيط واحد من الف ليعلن للانسان استقامته
23Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman,
24يترءاف عليه ويقول اطلقه عن الهبوط الى الحفرة قد وجدت فدية.
24Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yaamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay.
25يصير لحمه اغض من لحم الصبي ويعود الى ايام شبابه.
25Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.
26يصلّي الى الله فيرضى عنه ويعاين وجهه بهتاف فيرد على الانسان بره.
26Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.
27يغني بين الناس فيقول قد اخطأت وعوجت المستقيم ولم أجاز عليه.
27Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaal gudin.
28فدى نفسي من العبور الى الحفرة فترى حياتي النور
28Isagu naftayduu ka soo furtay yaamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.
29هوذا كل هذه يفعلها الله مرتين وثلاثا بالانسان
29Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,
30ليرد نفسه من الحفرة ليستنير بنور الاحياء.
30Si uu naftiisa yaamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.
31فاصغ يا ايوب واستمع لي. انصت فانا اتكلم.
31Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.
32ان كان عندك كلام فاجبني. تكلم. فاني اريد تبريرك.
32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.
33والا فاستمع انت لي. انصت فاعلمك الحكمة
33Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.