الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

32

1فكف هؤلاء الرجال الثلاثة عن مجاوبة ايوب لكونه بارا في عيني نفسه
1Markaasay saddexdaas nin iska daayeen inay Ayuub u jawaabaan, maxaa yeelay, isagu xaq buu isla ahaa.
2فحمي غضب اليهو بن برخئيل البوزي من عشيرة رام. على ايوب حمي غضبه لانه حسب نفسه ابر من الله.
2Markaas waxaa cadhooday Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus oo qoladiisu ahayd reer Raam, oo aad buu Ayuub ugu xanaaqay, maxaa yeelay, isagu xaq buu isu qaatay intuu Ilaah xaq u qaadan lahaa.
3وعلى اصحابه الثلاثة حمي غضبه لانهم لم يجدوا جوابا واستذنبوا ايوب.
3Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen.
4وكان اليهو قد صبر على ايوب بالكلام لانهم اكثر منه اياما.
4Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen.
5فلما رأى اليهو انه لا جواب في افواه الرجال الثلاثة حمي غضبه
5Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.
6فاجاب اليهو بن برخئيل البوزي وقال انا صغير في الايام وانتم شيوخ. لاجل ذلك خفت وخشيت ان ابدي لكم رأيي.
6Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin, Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.
7قلت الايام تتكلم وكثرة السنين تظهر حكمة.
7Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan, Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.
8ولكن في الناس روحا ونسمة القدير تعقلهم.
8Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira, Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
9ليس الكثيرو الايام حكماء ولا الشيوخ يفهمون الحق.
9Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh, Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.
10لذلك قلت اسمعوني انا ايضا ابدي رأيي.
10Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta; Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.
11هانذا قد صبرت لكلامكم. اصغيت الى حججكم حتى فحصتم الاقوال.
11Bal eega, erayadiinnii waan sugayay, Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay, Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.
12فتأملت فيكم واذ ليس من حجّ ايوب ولا جواب منكم لكلامه.
12Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay, Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey, Amase mid erayadiisii uga jawaabay.
13فلا تقولوا قد وجدنا حكمة. الله يغلبه لا الانسان.
13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.
14فانه لم يوجه اليّ كلامه ولا ارد عليه انا بكلامكم.
14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.
15تحيروا. لم يجيبوا بعد. انتزع عنهم الكلام.
15Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan; Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.
16فانتظرت لانهم لم يتكلموا لانهم وقفوا لم يجيبوا بعد.
16Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis, Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?
17فاجيب انا ايضا حصتي وابدي انا ايضا رأيي.
17Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa, Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.
18لاني ملآن اقوالا. روح باطني تضايقني.
18Waayo, waxaa iga buuxa erayo; Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.
19هوذا بطني كخمر لم تفتح كالزقاق الجديدة يكاد ينشق.
19Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato, Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.
20اتكلم فافرج. افتح شفتيّ واجيب.
20Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.
21لا احابينّ وجه رجل ولا أملث انسانا.
21Waan idin baryayaaye, yaanan ninna u eexan, Oo weliba ninna u bixin maayo magacyo faanid ah.Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah, Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.
22لاني لا اعرف الملث. لانه عن قليل يأخذني صانعي
22Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah, Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.