الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

35

1فاجاب اليهو وقال
1Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,
2أتحسب هذا حقا. قلت انا ابر من الله.
2Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay, Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?
3لانك قلت ماذا يفيدك بماذا انتفع اكثر من خطيتي.
3Miyey kugu habboon tahay inaad tidhaahdid, Maxay ii taraysaa? Oo waa maxay faa'iidada aan ka helayo oo ka sii badan haddaan dembaabay?
4انا ارد عليك كلاما وعلى اصحابك معك.
4Haddaba waxaan u jawaabayaa Adiga iyo saaxiibbadaada kula jiraba.
5انظر الى السموات وابصر ولاحظ الغمام انها اعلى منك.
5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.
6ان اخطأت فماذا فعلت به وان كثرت معاصيك فماذا عملت له.
6Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa? Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?
7ان كنت بارا فماذا اعطيته او ماذا ياخذه من يدك.
7Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa? Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?
8لرجل مثلك شرك ولابن آدم برك
8Xumaantaadu waxay wax u dhintaa nin sidaadoo kale ah, Oo xaqnimadaaduna waxay wax ku tartaa binu-aadmiga.
9من كثرة المظالم يصرخون. يستغيثون من ذراع الاعزاء.
9Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.
10ولم يقولوا اين الله صانعي مؤتي الاغاني في الليل.
10Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,
11الذي يعلمنا اكثر من وحوش الارض ويجعلنا احكم من طيور السماء.
11Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?
12ثم يصرخون من كبرياء الاشرار ولا يستجيب.
12Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.
13ولكن الله لا يسمع كذبا والقدير لا ينظر اليه.
13Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.
14فاذا قلت انك لست تراه فالدعوى قدامه فاصبر له.
14In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko, Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.
15واما الآن فلأن غضبه لا يطالب ولا يبالي بكثرة الزلات
15Laakiinse haatan, isagu cadhadiisii kuma uu soo booqan, Oo xumaantana si weyn ugama uu fikiro;Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa, Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.
16فغر ايوب فاه بالباطل وكبر الكلام بلا معرفة
16Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa, Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.