الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

36

1وعاد اليهو فقال
1Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
2اصبر عليّ قليلا فابدي لك انه بعد لاجل الله كلام.
2Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
3أحمل معرفتي من بعيد وأنسب برا لصانعي.
3Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa, Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
4حقا لا يكذب كلامي. صحيح المعرفة عندك
4Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha; Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
5هوذا الله عزيز ولكنه لا يرذل احدا. عزيز قدرة القلب.
5Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado, Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
6لا يحيي الشرير بل يجري قضاء البائسين.
6Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
7لا يحوّل عينيه عن البار بل مع الملوك يجلسهم على الكرسي ابدا فيرتفعون.
7Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
8ان أوثقوا بالقيود ان أخذوا في حبالة الذل
8Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
9فيظهر لهم افعالهم ومعاصيهم لانهم تجبّروا
9Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda, Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
10ويفتح آذانهم للانذار ويامر بان يرجعوا عن الاثم.
10Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
11ان سمعوا واطاعوا قضوا ايامهم بالخير وسنيهم بالنّعم.
11Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
12وان لم يسمعوا فبحربة الموت يزولون ويموتون بعدم المعرفة.
12Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan, Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
13اما فجّار القلب فيذخرون غضبا. لا يستغيثون اذا هو قيّدهم.
13Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho, Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
14تموت نفسهم في الصبا وحياتهم بين المابونين.
14Dhallinyaranimay ku dhintaan, Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
15ينجّي البائس في ذلّه ويفتح آذانهم في الضيق
15Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
16وايضا يقودك من وجه الضيق الى رحب لا حصر فيه ويملأ مؤونة مائدتك دهنا.
16Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
17حجة الشرير اكملت فالحجة والقضاء يمسكانك.
17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
18عند غضبه لعله يقودك بصفقة. فكثرة الفدية لا تفكّك.
18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
19هل يعتبر غناك. لا التبر ولا جميع قوى الثروة.
19Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
20لا تشتاق الى الليل الذي يرفع شعوبا من مواضعهم.
20Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.
21احذر. لا تلتفت الى الاثم لانك اخترت هذا على الذل
21Iska jir oo xumaan ha u jeedin, Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
22هوذا الله يتعالى بقدرته. من مثله معلما.
22Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
23من فرض عليه طريقه او من يقول له قد فعلت شرا.
23Jidkiisa yaa u amray? Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?
24اذكر ان تعظم عمله الذي يغني به الناس.
24Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.
25كل انسان يبصر به. الناس ينظرونه من بعيد.
25Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
26هوذا الله عظيم ولا نعرفه وعدد سنيه لا يفحص.
26Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
27لانه يجذب قطار الماء. تسحّ مطرا من ضبابها.
27Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,
28الذي تهطله السحب وتقطره على اناس كثيرين.
28Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
29فهل يعلل احد عن شق الغيم او قصيف مظلته.
29Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?
30هوذا بسط نوره على نفسه ثم يتغطى باصول اليم.
30Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.
31لانه بهذه يدين الشعوب ويرزق القوت بكثرة.
31Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.
32يغطي كفّيه بالنور ويامره على العدو.
32Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.
33يخبر به رعده المواشي ايضا بصعوده
33Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.