1فلهذا اضطرب قلبي وخفق من موضعه.
1Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.
2اسمعوا سماعا رعد صوته والزمزمة الخارجة من فيه.
2Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
3تحت كل السموات يطلقها كذا نوره الى اكناف الارض.
3Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan, Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.
4بعد يزمجر صوت يرعد بصوت جلاله ولا يؤخرها اذ سمع صوته.
4Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha, Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda; Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.
5الله يرعد بصوته عجبا. يصنع عظائم لا ندركها.
5Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa, Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
6لانه يقول للثلج اسقط على الارض. كذا لوابل المطر وابل امطار عزه.
6Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.
7يختم على يد كل انسان ليعلم كل الناس خالقهم.
7Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa, In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.
8فتدخل الحيوانات المآوي وتستقر في اوجرتها.
8Markaasaa bahalladu hogag galaan, Oo waxay iska joogaan boholahooda.
9من الجنوب تأتي الاعصار ومن الشمال البرد.
9Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka, Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.
10من نسمة الله يجعل الجمد وتتضيق سعة المياه.
10Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa, Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.
11ايضا بريّ يطرح الغيم. يبدد سحاب نوره.
11Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan, Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,
12فهي مدورة متقلبة بادارته لتفعل كل ما يأمر به على وجه الارض المسكونة
12Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,
13سواء كان للتأديب او لارضه او للرحمة يرسلها
13Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis, Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.
14انصت الى هذا يا ايوب وقف وتأمل بعجائب الله.
14Ayuubow, bal tan dhegayso, Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.
15أتدرك انتباه الله اليها او اضاءة نور سحابه.
15War miyaad taqaan siduu iyaga u amro, Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?
16أتدرك موازنة السحاب معجزات الكامل المعارف.
16Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha, Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?
17كيف تسخن ثيابك اذا سكنت الارض من ريح الجنوب.
17Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay, Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?
18هل صفّحت معه الجلد الممكّن كالمرآة المسبوكة.
18Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka U xoogga badan sidii muraayad la shubay?
19علّمنا ما نقول له اننا لا نحسن الكلام بسبب الظلمة.
19Na bar wixii aan isaga ku odhan lahayn, Waayo, annagu hadalkayagii waxaannu la odhan kari waynay gudcur aawadiis.
20هل يقص عليه كلامي اذا تكلمت. هل ينطق الانسان لكي يبتلع.
20Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono? Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?
21والآن لا يرى النور الباهر الذي هو في الجلد ثم تعبر الريح فتنقّيه.
21Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya, Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.
22من الشمال يأتي ذهب. عند الله جلال مرهب.
22Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya, Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.
23القدير لا ندركه. عظيم القوة والحق وكثير البر. لا يجاوب.
23Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay; Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan; Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.
24لذلك فلتخفه الناس. كل حكيم القلب لا يراعي
24Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan; Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.