الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

41

1أتصطاد لوياثان بشص او تضغط لسانه بحبل.
1War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun ku soo bixin kartaa? Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
2أتضع أسلة في خطمه ام تثقب فكّه بخزامة.
2Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
3أيكثر التضرعات اليك ام يتكلم معك باللين.
3Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa? Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?
4هل يقطع معك عهدا فتتخذه عبدا مؤبدا.
4Ma axdi buu kula dhigan doonaa, Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?
5أتلعب معه كالعصفور او تربطه لاجل فتياتك.
5Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?
6هل تحفر جماعة الصيادين لاجله حفرة او يقسمونه بين الكنعانيين.
6Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan? Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?
7أتملأ جلده حرابا وراسه بإلال السمك.
7Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa? Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
8ضع يدك عليه. لا تعد تذكر القتال.
8Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
9هوذا الرجاء به كاذب. ألا يكبّ ايضا برؤيته.
9Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?
10ليس من شجاع يوقظه فمن يقف اذا بوجهي.
10Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
11من تقدمني فاوفيه. ما تحت كل السموات هو لي
11Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa? Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
12لا اسكت عن اعضائه وخبر قوته وبهجة عدّته.
12Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa, Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.
13من يكشف وجه لبسه ومن يدنو من مثنى لجمته.
13Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara? Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?
14من يفتح مصراعي فمه. دائرة اسنانه مرعبة.
14Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara? Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.
15فخره مجان مانعة محكّمة مضغوطة بخاتم
15Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro, Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.
16الواحد يمسّ الآخر فالريح لا تدخل بينها.
16Midba midda kale way ku dhow dahay, Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.
17كل منها ملتصق بصاحبه متلكّدة لا تنفصل.
17Middoodba midda kale way haysataa, Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.
18عطاسه يبعث نورا وعيناه كهدب الصبح.
18Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin, Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.
19من فيه تخرج مصابيح. شرار نار تتطاير منه.
19Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya, Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.
20من منخريه يخرج دخان كانه من قدر منفوخ او من مرجل.
20Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.
21نفسه يشعل جمرا ولهيب يخرج من فيه.
21Neeftiisu dhuxulay shiddaa, Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.
22في عنقه تبيت القوة وامامه يدوس الهول.
22Luquntiisu xoog bay leedahay, Oo cabsina hortiisay ku booddaa.
23مطاوي لحمه متلاصقة مسبوكة عليه لا تتحرك.
23Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin, Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.
24قلبه صلب كالحجر وقاس كالرحى.
24Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale, Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.
25عند نهوضه تفزع الاقوياء. من المخاوف يتيهون
25Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan, Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.
26سيف الذي يلحقه لا يقوم ولا رمح ولا مزراق ولا درع.
26In kastoo lagula kaco seef, Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.
27يحسب الحديد كالتبن والنحاس كالعود النخر.
27Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale, Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.
28لا يستفزّه نبل القوس. حجارة المقلاع ترجع عنه كالقش.
28Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.
29يحسب المقمعة كقش ويضحك على اهتزاز الرمح.
29Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale, Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.
30تحته قطع خزف حادة. يمدد نورجا على الطين.
30Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan, Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.
31يجعل العمق يغلي كالقدر ويجعل البحر كقدر عطارة.
31Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale, Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.
32يضيء السبيل وراءه فيحسب اللج اشيب.
32Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo, Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.
33ليس له في الارض نظير. صنع لعدم الخوف.
33Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale, Oo cabsila'aan la abuuray.Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.
34يشرف على كل متعال. هو ملك على كل بني الكبرياء
34Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.