الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

40

1فاجاب الرب ايوب فقال
1Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2هل يخاصم القدير موبّخه ام المحاجّ الله يجاوبه
2Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
3فاجاب ايوب الرب وقال
3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
4ها انا حقير فماذا اجاوبك. وضعت يدي على فمي.
4Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa.
5مرة تكلمت فلا اجيب ومرتين فلا ازيد
5Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo, Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.
6فاجاب الرب ايوب من العاصفة فقال
6Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
7الآن شدّ حقويك كرجل. اسألك فتعلمني.
7Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
8لعلك تناقض حكمي. تستذنبني لكي تتبرر انت.
8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
9هل لك ذراع كما لله وبصوت مثل صوته ترعد.
9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
10تزيّن الآن بالجلال والعزّ والبس المجد والبهاء.
10Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
11فرّق فيض غضبك وانظر كل متعظم واخفضه.
11Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
12انظر الى كل متعظم وذلّله ودس الاشرار في مكانهم.
12Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
13اطمرهم في التراب معا واحبس وجوههم في الظلام.
13Dhammaantood ciidda ku qari, Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
14فانا ايضا احمدك لان يمينك تخلصك
14Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
15هوذا بهيموث الذي صنعته معك. ياكل العشب مثل البقر.
15Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
16ها هي قوته في متنيه وشدته في عضل بطنه.
16Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda, Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.
17يخفض ذنبه كارزة. عروق فخذيه مضفورة.
17Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale, Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.
18عظامه انابيب نحاس. جرمها حديد ممطول.
18Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah; Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
19هو اول اعمال الله. الذي صنعه اعطاه سيفه.
19Iyadu jidadka Ilaah waa u madax, Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
20لان الجبال تخرج له مرعى وجميع وحوش البر تلعب هناك.
20Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
21تحت السدرات يضطجع في ستر القصب والغمقة.
21Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan, Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.
22تظلله السدرات بظلها. يحيط به صفصاف السواقي.
22Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya, Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.
23هوذا النهر يفيض فلا يفر هو. يطمئن ولو اندفق الاردن في فمه.
23Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto, In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda? Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?
24هل يؤخذ من امامه. هل يثقب انفه بخزامة
24Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda? Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?