الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

39

1أتعرف وقت ولادة وعول الصخور او تلاحظ مخاض الايائل.
1War miyaad taqaan markay ridibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?
2أتحسب الشهور التي تكملها او تعلم ميقات ولادتهنّ.
2Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?
3يبركن ويضعن اولادهنّ. يدفعن اوجاعهنّ.
3Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan.
4تبلغ اولادهنّ. تربو في البرية. تخرج ولا تعود اليهنّ
4Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.
5من سرّح الفراء حرّا ومن فكّ ربط حمار الوحش.
5Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?
6الذي جعلت البرية بيته والسباخ مسكنه.
6Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.
7يضحك على جمهور القرية. لا يسمع زجر السائق.
7Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.
8دائرة الجبال مرعاه وعلى كل خضرة يفتش
8Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.
9أيرضى الثور الوحشي ان يخدمك ام يبيت عند معلفك.
9Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?
10أتربط الثور الوحشي برباطه في التلم ام يمهد الاودية وراءك.
10Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?
11أتثق به لان قوته عظيمة او تترك له تعبك.
11Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?
12أتأتمنه انه يأتي بزرعك ويجمع الى بيدرك
12Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno, Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?
13جناح النعامة يرفرف. أفهو منكب رأوف ام ريش.
13Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?
14لانها تترك بيضها وتحميه في التراب
14Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa, Oo ciidday ku diirisaa,
15وتنسى ان الرّجل تضغطه او حيوان البر يدوسه.
15Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.
16تقسو على اولادها كانها ليست لها. باطل تعبها بلا اسف.
16Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,
17لان الله قد انساها الحكمة ولم يقسم لها فهما.
17Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday, Oo waxgarashona ma uu siin.
18عندما تحوذ نفسها الى العلاء تضحك على الفرس وعلى راكبه
18Oo markay kor isu qaaddo inay carartona, Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.
19هل انت تعطي الفرس قوته وتكسو عنقه عرفا
19War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?
20أتوثبه كجرادة. نفخ منخره مرعب.
20War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.
21يبحث في الوادي وينفز ببأس. يخرج للقاء الاسلحة.
21Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.
22يضحك على الخوف ولا يرتاع ولا يرجع عن السيف.
22Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo.
23عليه تصل السهام وسنان الرمح والمزراق.
23Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
24في وثبه ورجزه يلتهم الارض ولا يؤمن انه صوت البوق.
24Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho, Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.
25عند نفخ البوق يقول هه ومن بعيد يستروح القتال صياح القواد والهتاف
25Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu «Haw» yidhaahdaa, Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa, Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.
26أمن فهمك يستقل العقاب وينشر جناحيه نحو الجنوب.
26Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?
27او بأمرك يحلّق النسر ويعلّي وكره.
27Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?
28يسكن الصخر ويبيت على سن الصخر والمعقل.
28Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.
29من هناك يتحسس قوته. تبصره عيناه من بعيد.
29Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa, Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan, Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.
30فراخه تحسو الدم وحيثما تكن القتلى فهناك هو
30Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan, Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.