1فهؤلاء هم الامم الذين تركهم الرب ليمتحن بهم اسرائيل كل الذين لم يعرفوا جميع حروب كنعان
1Haddaba kuwanu waa quruumihii Rabbigu u daayay inuu reer binu Israa'iil ku tijaabiyo, oo waxay ahaayeen in alla intii aan ogayn dagaalladii reer Kancaan oo dhan;
2انما لمعرفة اجيال بني اسرائيل لتعليمهم الحرب. الذين لم يعرفوها قبل فقط.
2inay reer binu Israa'iil ogaadaan oo uu iyaga baro dagaal ayan waxba ka aqoon jirin.
3اقطاب الفلسطينيين الخمسة وجميع الكنعانيين والصيدونيين والحوّيين سكان جبل لبنان من جبل بعل حرمون الى مدخل حماة.
3Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.
4كانوا لامتحان اسرائيل بهم لكي يعلم هل يسمعون وصايا الرب التي اوصى بها آباءهم عن يد موسى
4Oo kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale.
5فسكن بنو اسرائيل في وسط الكنعانيين والحثّيين والاموريين والفرزّيين والحوّيين واليبوسيين.
5Oo reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
6واتخذوا بناتهم لانفسهم نساء واعطوا بناتهم لبنيهم وعبدوا آلهتهم.
6Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.
7فعمل بنو اسرائيل الشر في عيني الرب ونسوا الرب الههم وعبدوا البعليم والسواري.
7Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.
8فحمي غضب الرب على اسرائيل فباعهم بيد كوشان رشعتايم ملك ارام النهرين. فعبد بنو اسرائيل كوشان رشعتايم ثماني سنين.
8Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.
9وصرخ بنو اسرائيل الى الرب فاقام الرب مخلّصا لبني اسرائيل فخلصهم. عثنيئيل بن قناز اخا كالب الاصغر.
9Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa.
10فكان عليه روح الرب وقضى لاسرائيل وخرج للحرب فدفع الرب ليده كوشان رشعتايم ملك ارام واعتزت يده على كوشان رشعتايم.
10Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.
11واستراحت الارض اربعين سنة. ومات عثنيئيل بن قناز
11Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.
12وعاد بنو اسرائيل يعملون الشر في عيني الرب فشدد الرب عجلون ملك موآب على اسرائيل لانهم عملوا الشر في عيني الرب.
12Oo reer binu Israa'iil mar kalay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu xoog u yeelay oo reer binu Israa'iil ku diray boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon, maxaa yeelay, waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun.
13فجمع اليه بني عمون وعماليق وسار وضرب اسرائيل وامتلكوا مدينة النخل.
13Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.
14فعبد بنو اسرائيل عجلون ملك موآب ثماني عشرة سنة.
14Oo reer binu Israa'iil waxay boqorkii reer Moo'aab oo Cegloon ahaa u adeegayeen siddeed iyo toban sannadood.
15وصرخ بنو اسرائيل الى الرب فاقام لهم الرب مخلّصا اهود بن جيرا البنياميني رجلا اعسر. فارسل بنو اسرائيل بيده هدية لعجلون ملك موآب.
15Laakiinse markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu u kiciyey badbaadiye, kaasoo ahaa Eehuud ina Geeraa, oo reer Benyaamiin, oo ahaa nin gurran. Isaga ayay reer binu Israa'iil hadiyad ugu soo dhiibeen Cegloon kii ahaa boqorkii reer Moo'aab.
16فعمل اهود لنفسه سيفا ذا حدين طوله ذراع وتقلده تحت ثيابه على فخذه اليمنى.
16Oo Eehuudna wuxuu samaystay seef laba af leh, oo dhererkeedu yahay dhudhun, oo wuxuu ku xidhay meel dharkiisa ka hoosaysa oo ah bowdadiisa midig.
17وقدم الهدية لعجلون ملك موآب. وكان عجلون رجلا سمينا جدا.
17Oo wuxuu hadiyaddii u dhiibay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon; Cegloonna wuxuu ahaa nin aad u buuran.
18وكان لما انتهى من تقديم الهدية صرف القوم حاملي الهدية
18Oo markuu dhammeeyey bixintii hadiyadda ayuu diray dadkii hadiyadda siday.
19واما هو فرجع من عند المنحوتات التي لدى الجلجال وقال. لي كلام سرّ اليك ايها الملك. فقال صه. وخرج من عنده جميع الواقفين لديه.
19Laakiinse Eehuud wuxuu ka soo noqday dhagaxyadii qorqornaa Gilgaal agteeda, oo wuxuu yidhi, Boqorow, anigu waxaan kuu wadaa farriin qarsoon. Markaasuu yidhi, Iska aamus. Oo dadkii hareerihiisa taagnaa oo dhammuna dibadday uga baxeen isagii.
20فدخل اليه اهود وهو جالس في علية برود كانت له وحده. وقال اهود. عندي كلام الله اليك. فقام عن الكرسي.
20Markaasaa Eehuud u yimid isagii; oo isna wuxuu keligiis fadhiyey qowladdii uu ku laydhsan jiray, markaasaa Eehuud wuxuu ku yidhi, Waxaan farriin kaaga wadaa Ilaah. Markaasuu ka soo kacay kursigiisii.
21فمدّ اهود يده اليسرى واخذ السيف عن فخذه اليمنى وضربه في بطنه.
21Oo Eehuudna wuxuu soo bixiyey gacantiisii bidix, oo wuxuu seeftii kala soo baxay dhinaca bowdadiisii midig, markaasuu Cegloon caloosha kaga muday,
22فدخل القائم ايضا وراء النصل وطبق الشحم وراء النصل لانه لم يجذب السيف من بطنه. وخرج من الحتار.
22oo xataa daabkiina waa galay afkii dabadiis, oo seefta afkeediina waxaa qariyey xaydhii, waayo, seeftii kama uu soo bixin calooshiisii; oo uus baa ka yimid.
23فخرج اهود من الرواق واغلق ابواب العلية وراءه واقفلها.
23Markaasaa Eehuud wuxuu u baxay xagga qolqolka, oo uu soo xidhay qowladda albaabbadeedii, wuuna qufulay.
24ولما خرج جاء عبيده ونظروا واذا ابواب العلية مقفلة فقالوا انه مغط رجليه في مخدع البرود.
24Haddaba markuu tegey waxaa yimid addoommadii Cegloon, markaasay intay wax fiiriyeen arkeen albaabbadii qowladda oo qufulan; kolkaasay waxay isyidhaahdeen, Hubaal wuu isku deday qowladdiisa uu ku laydhsado.
25فلبثوا حتى خجلوا واذا هو لا يفتح ابواب العلية فاخذوا المفتاح وفتحوا واذا سيدهم ساقط على الارض ميتا.
25Oo way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah.
26واما اهود فنجا اذ هم مبهوتون وعبر المنحوتات ونجا الى سعيرة.
26Eehuudna waa baxsaday intay sugayeen, oo wuxuu dhaafay dhagaxyadii qorqornaa, oo wuxuu u fakaday xagga Seciiraah.
27وكان عند مجيئه انه ضرب بالبوق في جبل افرايم فنزل معه بنو اسرائيل عن الجبل وهو قدامهم.
27Oo markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday.
28وقال لهم اتبعوني لان الرب قد دفع اعداءكم الموآبيين ليدكم فنزلوا وراءه واخذوا مخاوض الاردن الى موآب ولم يدعوا احدا يعبر.
28Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.
29فضربوا من موآب في ذلك الوقت نحو عشرة آلاف رجل كل نشيط وكل ذي بأس ولم ينج احد.
29Oo markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan.
30فذلّ الموآبيون في ذلك اليوم تحت يد اسرائيل. واستراحت الارض ثمانين سنة
30Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.
31وكان بعده شمجر بن عناة فضرب من الفلسطينيين ست مئة رجل بمنساس البقر وهو ايضا خلص اسرائيل
31Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.