1وعاد بنو اسرائيل يعملون الشر في عيني الرب بعد موت اهود.
1Oo reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed.
2فباعهم الرب بيد يابين ملك كنعان الذي ملك في حاصور. ورئيس جيشه سيسرا وهو ساكن في حروشة الامم.
2Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.
3فصرخ بنو اسرائيل الى الرب لانه كان له تسع مئة مركبة من حديد وهو ضايق بني اسرائيل بشدة عشرين سنة
3Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.
4ودبورة امرأة نبية زوجة لفيدوت هي قاضية اسرائيل في ذلك الوقت.
4Oo waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd.
5وهي جالسة تحت نخلة دبورة بين الرامة وبيت ايل في جبل افرايم. وكان بنو اسرائيل يصعدون اليها للقضاء.
5Oo waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo.
6فارسلت ودعت باراق بن ابينوعم من قادش نفتالي وقالت له ألم يامر الرب اله اسرائيل. اذهب وازحف الى جبل تابور وخذ معك عشرة آلاف رجل من بني نفتالي ومن بني زبولون.
6Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?
7فأجذب اليك الى نهر قيشون سيسرا رئيس جيش يابين بمركباته وجمهوره وأدفعه ليدك.
7Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.
8فقال لها باراق ان ذهبت معي اذهب. وان لم تذهبي معي فلا اذهب.
8Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.
9فقالت اني اذهب معك غير انه لا يكون لك فخر في الطريق التي انت سائر فيها. لان الرب يبيع سيسرا بيد امرأة. فقامت دبورة وذهبت مع باراق الى قادش
9Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.
10ودعا باراق زبولون ونفتالي الى قادش وصعد ومعه عشرة آلاف رجل. وصعدت دبورة معه.
10Markaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday.
11وحابر القيني انفرد من قاين من بني حوباب حمي موسى وخيّم حتى الى بلوطة في صعنايم التي عند قادش.
11Haddaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh.
12واخبروا سيسرا بانه قد صعد باراق بن ابينوعم الى جبل تابور.
12Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.
13فدعا سيسرا جميع مركباته تسع مئة مركبة من حديد وجميع الشعب الذين معه من حروشة الامم الى نهر قيشون.
13Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.
14فقالت دبورة لباراق قم. لان هذا هو اليوم الذي دفع فيه الرب سيسرا ليدك. ألم يخرج الرب قدامك. فنزل باراق من جبل تابور ووراءه عشرة آلاف رجل.
14Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.
15فازعج الرب سيسرا وكل المركبات وكل الجيش بحد السيف امام باراق. فنزل سيسرا عن المركبة وهرب على رجليه.
15Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.
16وتبع باراق المركبات والجيش الى حروشة الامم. وسقط كل جيش سيسرا بحد السيف لم يبق ولا واحد.
16Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
17واما سيسرا فهرب على رجليه الى خيمة ياعيل امرأة حابر القيني. لانه كان صلح بين يابين ملك حاصور وبيت حابر القيني.
17Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.
18فخرجت ياعيل لاستقبال سيسرا وقالت له مل يا سيدي مل اليّ. لا تخف. فمال اليها الى الخيمة وغطته باللحاف.
18Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.
19فقال لها اسقيني قليل ماء لاني قد عطشت. ففتحت وطب اللبن واسقته ثم غطته.
19Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.
20فقال لها قفي بباب الخيمة ويكون اذا جاء احد وسألك أهنا رجل انك تقولين لا.
20Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.
21فأخذت ياعيل امرأة حابر وتد الخيمة وجعلت الميتدة في يدها وقارت اليه وضربت الوتد في صدغه فنفذ الى الارض وهو متثقل في النوم ومتعب فمات.
21Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay.
22واذا بباراق يطارد سيسرا فخرجت ياعيل لاستقباله وقالت له تعال فاريك الرجل الذي انت طالبه. فجاء اليها واذا سيسرا ساقط ميتا والوتد في صدغه.
22Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.
23فاذل الله في ذلك اليوم يابين ملك كنعان امام بني اسرائيل.
23Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.
24واخذت يد بني اسرائيل تتزايد وتقسو على يابين ملك كنعان حتى قرضوا يابين ملك كنعان
24Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.