الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

11

1لامام المغنين. لداود‎. ‎على الرب توكلت. كيف تقولون لنفسي اهربوا الى جبالكم كعصفور‎.
1Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
2‎لانه هوذا الاشرار يمدون القوس. فوّقوا السهم في الوتر ليرموا في الدجى مستقيمي القلوب‎.
2Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
3‎اذا انقلبت الاعمدة فالصديق ماذا يفعل
3Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
4الرب في هيكل قدسه. الرب في السماء كرسيه. عيناه تنظران اجفانه تمتحن بني آدم‎.
4Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
5‎الرب يمتحن الصدّيق. اما الشرير ومحب الظلم فتبغضه نفسه‎.
5Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
6‎يمطر على الاشرار فخاخا نارا وكبريتا وريح السموم نصيب كاسهم‎.
6Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
7‎لان الرب عادل ويحب العدل. المستقيم يبصر وجهه
7Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.