1يا رب لماذا تقف بعيدا. لماذا تختفي في ازمنة الضيق.
1Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
2في كبرياء الشرير يحترق المسكين. يؤخذون بالمؤامرة التي فكروا بها.
2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
3لان الشرير يفتخر بشهوات نفسه. والخاطف يجدف يهين الرب.
3Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
4الشرير حسب تشامخ انفه يقول لا يطالب. كل افكاره انه لا اله.
4Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
5تثبت سبله في كل حين. عالية احكامك فوقه. كل اعدائه ينفث فيهم.
5Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba, Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin, Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
6قال في قلبه لا اتزعزع. من دور الى دور بلا سوء.
6Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo, Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
7فمه مملوء لعنة وغشا وظلما. تحت لسانه مشقة واثم.
7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
8يجلس في مكمن الديار في المختفيات يقتل البري. عيناه تراقبان المسكين.
8Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto, Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon, Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
9يكمن في المختفى كاسد في عرّيسه. يكمن ليخطف المسكين. يخطف المسكين بجذبه في شبكته.
9Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10فتنسحق وتنحني وتسقط المساكين ببراثنه.
10Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11قال في قلبه ان الله قد نسي. حجب وجهه. لا يرى الى الابد
11Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12قم يا رب. يا الله ارفع يدك. لا تنس المساكين.
12Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.
13لماذا اهان الشرير الله. لماذا قال في قلبه لا تطالب.
13Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14قد رأيت لانك تبصر المشقة والغم لتجازي بيدك. اليك يسلم المسكين امره. انت صرت معين اليتيم
14Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15احطم ذراع الفاجر. والشرير تطلب شرّه ولا تجده.
15Kii shar leh gacantiisa jebi, Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16الرب ملك الى الدهر والابد بادت الامم من ارضه.
16Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba, Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17تأوه الودعاء قد سمعت يا رب. تثبت قلوبهم. تميل اذنك
17Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan, Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
18لحق اليتيم والمنسحق لكي لا يعود ايضا يرعبهم انسان من الارض
18Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.