الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

9

1لامام المغنين. على موت الابن. مزمور لداود احمد الرب بكل قلبي. احدث بجميع عجائبك‎.
1Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahad naqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
2‎افرح وابتهج بك ارنم لاسمك ايها العلي‎.
2Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
3‎عند رجوع اعدائي الى خلف يسقطون ويهلكون من قدام وجهك‎.
3Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
4‎لانك اقمت حقي ودعواي. جلست على الكرسي قاضيا عادلا‎.
4Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
5‎انتهرت الامم. اهلكت الشرير. محوت اسمهم الى الدهر والابد‎.
5Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay, Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
6‎العدو تم خرابه الى الابد. وهدمت مدنا. باد ذكره نفسه‎.
6Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba', Oo magaalooyinkii aad afgembidayna Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
7‎اما الرب فالى الدهر يجلس. ثبّت للقضاء كرسيه
7Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
8وهو يقضي للمسكونة بالعدل. يدين الشعوب بالاستقامة‎.
8Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
9‎ويكون الرب ملجأ للمنسحق. ملجأ في ازمنة الضيق‎.
9Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10‎ويتكل عليك العارفون اسمك. لانك لم تترك طالبيك يا رب
10Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11رنموا للرب الساكن في صهيون. اخبروا بين الشعوب بافعاله‎.
11Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12‎لانه مطالب بالدماء. ذكرهم. لم ينس صراخ المساكين
12Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13ارحمني يا رب. انظر مذلتي من مبغضيّ يا رافعي من ابواب الموت‎.
13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14‎لكي احدث بكل تسابيحك في ابواب ابنة صهيون مبتهجا بخلاصك
14Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15تورطت الامم في الحفرة التي عملوها. في الشبكة التي اخفوها انتشبت ارجلهم‎.
15Quruumihii waxay ku dheceen yaamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16‎معروف هو الرب. قضاء امضى. الشرير يعلق بعمل يديه. ضرب الاوتار. سلاه
16Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
17الاشرار يرجعون الى الهاوية. كل الامم الناسين الله‎.
17Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
18‎لانه لا ينسى المسكين الى الابد. رجاء البائسين لا يخيب الى الدهر‎.
18Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono, Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
19‎قم يا رب. لا يعتزّ الانسان. لتحاكم الامم قدامك‎.
19Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)
20‎يا رب اجعل عليهم رعبا. ليعلم الامم انهم بشر. سلاه
20Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)