الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

8

1لامام المغنين على الجتّية. مزمور لداود‎. ‎ايها الرب سيدنا ما امجد اسمك في كل الارض حيث جعلت جلالك فوق السموات‎.
1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
2‎من افواه الاطفال والرضّع اسست حمدا بسبب اضدادك لتسكيت عدوّ ومنتقم
2Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
3اذا ارى سمواتك عمل اصابعك القمر والنجوم التي كوّنتها
3Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4فمن هو الانسان حتى تذكره وابن آدم حتى تفتقده‎.
4Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
5‎وتنقصه قليلا عن الملائكة وبمجد وبهاء تكلله‎.
5Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6‎تسلطه على اعمال يديك. جعلت كل شيء تحت قدميه‎.
6Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7‎الغنم والبقر جميعا وبهائم البر ايضا‎.
7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,
8‎وطيور السماء وسمك البحر السالك في سبل المياه‎.
8Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
9‎ايها الرب سيدنا ما امجد اسمك في كل الارض
9Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!