1شجوية لداود غناها للرب بسبب كلام كوش البنياميني. يا رب الهي عليك توكلت. خلصني من كل الذين يطردونني ونجني.
1Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
2لئلا يفترس كاسد نفسي هاشما اياها ولا منقذ
2Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane, Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
3يا رب الهي ان كنت قد فعلت هذا ان وجد ظلم في يديّ
3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
4ان كافأت مسالمي شرا وسلبت مضايقي بلا سبب
4Haddii aan shar ugu abaal guday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
5فليطارد عدو نفسي وليدركها وليدس الى الارض حياتي وليحط الى التراب مجدي. سلاه
5De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
6قم يا رب بغضبك ارتفع على سخط مضايقيّ وانتبه لي. بالحق اوصيت.
6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
7ومجمع القبائل يحيط بك فعد فوقها الى العلى.
7Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen, Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
8الرب يدين الشعوب. اقض لي يا رب كحقي ومثل كمالي الذي فيّ.
8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
9لينته شر الاشرار وثبت الصدّيق. فان فاحص القلوب والكلى الله البار.
9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10ترسي عند الله مخلّص مستقيمي القلوب
10Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11الله قاض عادل واله يسخط في كل يوم.
11Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12ان لم يرجع يحدد سيفه. مدّ قوسه وهيّأها.
12Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa, Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
13وسدد نحوه آلة الموت. يجعل سهامه ملتهبة
13Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada, Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
14هوذا يمخض بالاثم. حمل تعبا وولد كذبا.
14Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan, Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
15كرا جبّا. حفره فسقط في الهوة التي صنع.
15Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
16يرجع تعبه على راسه وعلى هامته يهبط ظلمه.
16Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.Rabbiga waan ugu mahad naqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.
17احمد الرب حسب بره. وارنم لاسم الرب العلي
17Rabbiga waan ugu mahad naqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.