1لامام المغنين على ذوات الاوتار على القرار. مزمور لداود. يا رب لا توبخني بغضبك ولا تؤدبني بغيظك.
1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2ارحمني يا رب لاني ضعيف . اشفني يا رب لان عظامي قد رجفت
2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
3ونفسي قد ارتاعت جدا. وانت يا رب فحتى متى
3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
4عد يا رب. نج نفسي. خلّصني من اجل رحمتك.
4Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
5لانه ليس في الموت ذكرك. في الهاوية من يحمدك.
5Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahad naqi doona?
6تعبت في تنهدي. اعوّم في كل ليلة سريري بدموعي اذوّب فراشي.
6Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
7ساخت من الغم عيني. شاخت من كل مضايقيّ
7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
8ابعدوا عني يا جميع فاعلي الاثم. لان الرب قد سمع صوت بكائي.
8Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
9سمع الرب تضرعي. الرب يقبل صلاتي.
9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
10جميع اعدائي يخزون ويرتاعون جدا. يعودون ويخزون بغتة
10Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.