1لامام المغنين على ذوات النفخ. مزمور لداود. لكلماتي اصغ يا رب. تامل صراخي.
1Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.
2استمع لصوت دعائي يا ملكي والهي لاني اليك اصلّي.
2Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
3يا رب بالغداة تسمع صوتي. بالغداة اوجه صلاتي نحوك وانتظر
3Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
4لانك انت لست الها يسرّ بالشر. لا يساكنك الشرير.
4Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.
5لا يقف المفتخرون قدام عينيك. ابغضت كل فاعلي الاثم.
5Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
6تهلك المتكلمين بالكذب. رجل الدماء والغش يكرهه الرب.
6Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
7اما انا فبكثرة رحمتك ادخل بيتك. اسجد في هيكل قدسك بخوفك
7Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
8يا رب اهدني الى برك بسبب اعدائي. سهّل قدامي طريقك.
8Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
9لانه ليس في افواههم صدق. جوفهم هوّة. حلقهم قبر مفتوح. ألسنتهم صقلوها.
9Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
10دنهم يا الله. ليسقطوا من مؤامراتهم بكثرة ذنوبهم طوّح بهم لانهم تمردوا عليك
10Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
11ويفرح جميع المتكلين عليك. الى الابد يهتفون وتظللهم. ويبتهج بك محبو اسمك.
11Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.
12لانك انت تبارك الصدّيق يا رب. كانه بترس تحيطه بالرضا
12Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.