1لامام المغنين على ذوات الاوتار. مزمور لداود. عند دعائي استجب لي يا اله برّي. في الضيق رحبت لي. تراءف عليّ واسمع صلاتي
1Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
2يا بني البشر حتى متى يكون مجدي عارا. حتى متى تحبون الباطل وتبتغون الكذب. سلاه.
2Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
3فاعلموا ان الرب قد ميّز تقيّه. الرب يسمع عندما ادعوه.
3Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh, Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
4ارتعدوا ولا تخطئوا. تكلموا في قلوبكم على مضاجعكم واسكتوا. سلاه.
4Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
5اذبحوا ذبائح البر وتوكلوا على الرب
5Bixiya allabaryadii xaqnimada, Oo Rabbiga isku halleeya.
6كثيرون يقولون من يرينا خيرا. ارفع علينا نور وجهك يا رب.
6Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
7جعلت سرورا في قلبي اعظم من سرورهم اذ كثرت حنطتهم وخمرهم.
7Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
8بسلامة اضطجع بل ايضا انام. لانك انت يا رب منفردا في طمأنينة تسكّنني
8Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.