الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

16

1مذهبة لداود‎. ‎احفظني يا الله لاني عليك توكلت‎.
1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
2‎قلت للرب انت سيدي. خيري لا شيء غيرك‎.
2Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay, Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
3‎القديسون الذين في الارض والافاضل كل مسرّتي بهم‎.
3Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
4‎تكثر اوجاعهم الذين اسرعوا وراء آخر. لا اسكب سكائبهم من دم‎. ‎ولا اذكر اسماءهم بشفتي‎.
4Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa, Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah, Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
5‎الرب نصيب قسمتي وكاسي. انت قابض قرعتي‎.
5Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
6‎حبال وقعت لي في النعماء. فالميراث حسن عندي
6Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay, Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
7ابارك الرب الذي نصحني. وايضا بالليل تنذرني كليتاي‎.
7Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey, Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
8‎جعلت الرب امامي في كل حين. لانه عن يميني فلا اتزعزع‎.
8Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
9‎لذلك فرح قلبي وابتهجت روحي. جسدي ايضا يسكن مطمئنا‎.
9Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10‎لانك لن تترك نفسي في الهاوية. لن تدع تقيّك يرى فسادا‎.
10Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
11‎تعرّفني سبيل الحياة. امامك شبع سرور. في يمينك نعم الى الابد
11Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.