1صلاة لداود. اسمع يا رب للحق. انصت الى صراخي اصغ الى صلاتي من شفتين بلا غش.
1Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
2من قدامك يخرج قضائي. عيناك تنظران المستقيمات.
2Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
3جربت قلبي تعهدته ليلا. محصتني. لا تجد فيّ ذموما. لا يتعدى فمي.
3Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
4من جهة اعمال الناس فبكلام شفتيك انا تحفظت من طرق المعتنف.
4Shuqulladii dadkana waan ka hadhay, Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
5تمسكت خطواتي بآثارك فما زلت قدماي
5Si aanay cagahaygu u simbiriirixan, Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
6انا دعوتك لانك تستجيب لي يا الله. امل اذنك اليّ. اسمع كلامي
6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
7ميّز مراحمك يا مخلّص المتكلين عليك بيمينك من المقاومين.
7Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.
8احفظني مثل حدقة العين. بظل جناحيك استرني
8Ii dhawr sida isha inankeeda, Oo igu qari hooska baalashaada.
9من وجه الاشرار الذين يخربونني اعدائي بالنفس الذين يكتنفونني.
9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10قلبهم السمين قد اغلقوا. بافواههم قد تكلموا بالكبرياء.
10Qalbigooday xidheen, Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
11في خطواتنا الآن قد احاطوا بنا. نصبوا اعينهم ليزلقونا الى الارض.
11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
12مثله مثل الاسد القرم الى الافتراس وكالشبل الكامن في عرّيسه
12Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan, Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
13قم يا رب تقدمه. اصرعه. نج نفسي من الشرير بسيفك
13Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
14من الناس بيدك يا رب من اهل الدنيا. نصيبهم في حياتهم. بذخائرك تملأ بطونهم. يشبعون اولادا ويتركون فضالتهم لاطفالهم.
14Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada, Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan, Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada, Iyagu waxay ka dhergeen carruur, Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
15اما انا فبالبر انظر وجهك. اشبع اذا استيقظت بشبهك
15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.