الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

19

1لامام المغنين. مزمور لداود‎. ‎السموات تحدث بمجد الله. والفلك يخبر بعمل يديه‎.
1Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
2‎يوم الى يوم يذيع كلاما وليل الى ليل يبدي علما‎.
2Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
3‎لا قول ولا كلام. لا يسمع صوتهم‎.
3Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin.
4‎في كل الارض خرج منطقهم والى اقصى المسكونة كلماتهم. جعل للشمس مسكنا فيها
4Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
5وهي مثل العروس الخارج من حجلته. يبتهج مثل الجبار للسباق في الطريق‎.
5Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
6‎من اقصى السموات خروجها ومدارها الى اقاصيها ولا شيء يختفي من حرّها
6Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
7ناموس الرب كامل يرد النفس. شهادات الرب صادقة تصيّر الجاهل حكيما‎.
7Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
8‎وصايا الرب مستقيمة تفرّح القلب. امر الرب طاهر ينير العينين‎.
8Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
9‎خوف الرب نقي ثابت الى الابد. احكام الرب حق عادلة كلها‎.
9Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10‎اشهى من الذهب والابريز الكثير واحلى من العسل وقطر الشهاد‎.
10Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11‎ايضا عبدك يحذّر بها وفي حفظها ثواب عظيم‎.
11Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay, Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12‎السهوات من يشعر بها. من الخطايا المستترة ابرئني
12Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13ايضا من المتكبرين احفظ عبدك فلا يتسلطوا عليّ. حينئذ اكون كاملا واتبرأ من ذنب عظيم‎.
13Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro, Oo yaanay ii talin, Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa, Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow, Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
14‎لتكن اقوال فمي وفكر قلبي مرضية امامك يا رب صخرتي ووليي
14Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow, Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.