الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

20

1لامام المغنين. مزمور لداود‎. ‎ليستجب لك الرب في يوم الضيق. ليرفعك اسم اله يعقوب‎.
1Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
2‎ليرسل لك عونا من قدسه ومن صهيون ليعضدك‎.
2Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah, Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
3‎ليذكر كل تقدماتك ويستسمن محرقاتك. سلاه‎.
3Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan, Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
4‎ليعطك حسب قلبك ويتمم كل رايك‎.
4Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono, Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
5‎نترنم بخلاصك وباسم الهنا نرفع رايتنا. ليكمّل الرب كل سؤلك
5Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada, Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna, Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
6الآن عرفت ان الرب مخلّص مسيحه يستجيبه من سماء قدسه بجبروت خلاص يمينه‎.
6Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday, Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah, Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
7‎هؤلاء بالمركبات وهؤلاء بالخيل. اما نحن فاسم الرب الهنا نذكر
7Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo, Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
8هم جثوا وسقطوا اما نحن فقمنا وانتصبنا‎.
8Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.
9‎يا رب خلّص. ليستجب لنا الملك في يوم دعائنا
9Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.