الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

21

1لامام المغنين. مزمور لداود‎. ‎يا رب بقوتك يفرح الملك وبخلاصك كيف لا يبتهج جدا‎.
1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
2‎شهوة قلبه اعطيته وملتمس شفتيه لم تمنعه. سلاه‎.
2Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
3‎لانك تتقدمه ببركات خير. وضعت على راسه تاجا من ابريز‎.
3Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
4‎حياة سألك فاعطيته. طول الايام الى الدهر والابد‎.
4Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
5‎عظيم مجده بخلاصك جلالا وبهاء تضع عليه‎.
5Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
6‎لانك جعلته بركات الى الابد. تفرّحه ابتهاجا امامك‎.
6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
7‎لان الملك يتوكل على الرب. وبنعمة العلي لا يتزعزع
7Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga, Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
8تصيب يدك جميع اعدائك. يمينك تصيب كل مبغضيك‎.
8Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
9‎تجعلهم مثل تنور نار في زمان حضورك. الرب بسخطه يبتلعهم وتاكلهم النار‎.
9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
10‎تبيد ثمرهم من الارض وذريتهم من بين بني آدم‎.
10Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
11‎لانهم نصبوا عليك شرا. تفكروا بمكيدة. لم يستطيعوها‎.
11Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
12‎لانك تجعلهم يتولون. تفوّق السهام على اوتارك تلقاء وجوههم‎.
12Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.
13‎ارتفع يا رب بقوتك. نرنم وننغم بجبروتك
13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.