الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

22

1لامام المغنين على ايلة الصبح. مزمور لداود‎. ‎الهي الهي لماذا تركتني. بعيدا عن خلاصي عن كلام زفيري‎.
1Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
2‎الهي في النهار ادعو فلا تستجيب في الليل ادعو فلا هدوء لي‎.
2Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
3‎وانت القدوس الجالس بين تسبيحات اسرائيل
3Laakiinse adigu quduus baad tahay, Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
4عليك اتكل آباؤنا. اتكلوا فنجّيتهم‎.
4Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
5‎اليك صرخوا فنجوا. عليك اتكلوا فلم يخزوا‎.
5Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
6‎اما انا فدودة لا انسان. عار عند البشر ومحتقر الشعب‎.
6Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
7‎كل الذين يرونني يستهزئون بي. يفغرون الشفاه وينغضون الراس قائلين
7Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
8اتكل على الرب فلينجه. لينقذه لانه سرّ به‎.
8Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
9‎لانك انت جذبتني من البطن. جعلتني مطمئنا على ثديي امي‎.
9Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10‎عليك ألقيت من الرحم. من بطن امي انت الهي‎.
10Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay, Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11‎لا تتباعد عني لان الضيق قريب. لانه لا معين
11Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow, Qof i caawiyaana ma jiro.
12احاطت بي ثيران كثيرة. اقوياء باشان اكتنفتني‎.
12Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13‎فغروا عليّ افواههم كاسد مفترس مزمجر‎.
13Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14‎كالماء انسكبت. انفصلت كل عظامي. صار قلبي كالشمع. قد ذاب في‏ وسط امعائي‎.
14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15‎يبست مثل شقفة قوتي ولصق لساني بحنكي والى تراب الموت تضعني‎.
15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16‎لانه قد احاطت بي كلاب. جماعة من الاشرار اكتنفتني. ثقبوا يديّ ورجليّ‎.
16Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17‎احصي كل عظامي. وهم ينظرون ويتفرسون فيّ‎.
17Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18‎يقسمون ثيابي بينهم وعلى لباسي يقترعون
18Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19اما انت يا رب فلا تبعد. يا قوتي اسرع الى نصرتي‎.
19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20‎انقذ من السيف نفسي. من يد الكلب وحيدتي‎.
20Naftayda ka samatabbixi seefta, Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21‎خلصني من فم الاسد ومن قرون بقر الوحش استجب لي
21Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22اخبر باسمك اخوتي. في وسط الجماعة اسبحك‎.
22Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23‎يا خائفي الرب سبحوه. مجدوه يا معشر ذرية يعقوب. واخشوه يا زرع اسرائيل جميعا‎.
23Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24‎لانه لم يحتقر ولم يرذل مسكنة المسكين ولم يحجب وجهه عنه بل عند صراخه اليه استمع‎.
24Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25‎من قبلك تسبيحي في الجماعة العظيمة. اوفي بنذوري قدام خائفيه
25Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26يأكل الودعاء ويشبعون. يسبح الرب طالبوه. تحيا قلوبكم الى الابد‎.
26Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27‎تذكر وترجع الى الرب كل اقاصي الارض. وتسجد قدامك كل قبائل الامم‎.
27Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28‎لان للرب الملك وهو المتسلط على الامم‎.
28Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
29‎اكل وسجد كل سميني الارض. قدامه يجثو كل من ينحدر الى التراب ومن لم يحي نفسه‎.
29Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan, Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan, Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
30‎الذرية تتعبد له. يخبر عن الرب الجيل الآتي‎.
30Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.
31‎يأتون ويخبرون ببره شعبا سيولد بانه قد فعل
31Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.