الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

24

1لداود. مزمور‎. ‎للرب الارض وملؤها. المسكونة وكل الساكنين فيها‎.
1Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.
2‎لانه على البحار اسسها وعلى الانهار ثبتها
2Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
3من يصعد الى جبل الرب ومن يقوم في موضع قدسه‎.
3Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
4‎الطاهر اليدين والنقي القلب الذي لم يحمل نفسه الى الباطل ولا حلف كذبا‎.
4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
5‎يحمل بركة من عند الرب وبرا من اله خلاصه‎.
5Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
6‎هذا هو الجيل الطالبه الملتمسون وجهك يا يعقوب. سلاه
6Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
7ارفعن ايتها الارتاج رؤوسكنّ وارتفعن ايتها الابواب الدهريات فيدخل ملك المجد‎.
7Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
8‎من هو هذا ملك المجد. الرب القدير الجبار الرب الجبار في القتال‎.
8Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
9‎ارفعن ايتها الارتاج رؤوسكنّ وارفعنها ايتها الابواب الدهريات فيدخل ملك المجد‎.
9Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)
10‎من هو هذا ملك المجد. رب الجنود هو ملك المجد. سلاه
10Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)