الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

25

1لداود‎. ‎اليك يا رب ارفع نفسي‎.
1Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
2‎يا الهي عليك توكلت. فلا تدعني اخزى. لا تشمت بي اعدائي‎.
2Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
3‎ايضا كل منتظريك لا يخزوا. ليخز الغادرون بلا سبب‎.
3Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
4‎طرقك يا رب عرّفني. سبلك علمني‎.
4Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
5‎دربني في حقك وعلمني. لانك انت اله خلاصي. اياك انتظرت اليوم كله‎.
5Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
6‎اذكر مراحمك يا رب واحساناتك لانها منذ الازل هي‎.
6Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
7‎لا تذكر خطايا صباي ولا معاصيّ. كرحمتك اذكرني انت من اجل جودك يا رب
7Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
8الرب صالح ومستقيم. لذلك يعلّم الخطاة الطريق‎.
8Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
9‎يدرب الودعاء في الحق ويعلم الودعاء طرقه‎.
9Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
10‎كل سبل الرب رحمة وحق لحافظي عهده وشهاداته‎.
10Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
11‎من اجل اسمك يا رب اغفر اثمي لانه عظيم‎.
11Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
12‎من هو الانسان الخائف الرب. يعلمه طريقا يختاره‎.
12Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13‎نفسه في الخير تبيت ونسله يرث الارض‎.
13Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14‎سرّ الرب لخائفيه. وعهده لتعليمهم‎.
14Rabbiga taladiisa qarsoon wuxuu la jiraa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15‎عيناي دائما الى الرب. لانه هو يخرج رجليّ من الشبكة
15Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16التفت اليّ وارحمني لاني وحد ومسكين انا‎.
16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17‎افرج ضيقات قلبي. من شدائدي اخرجني‎.
17Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.
18‎انظر الى ذلي وتعبي واغفر جميع خطاياي‎.
18Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19‎انظر الى اعدائي لانهم قد كثروا. وبغضا ظلما ابغضوني‎.
19Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20‎احفظ نفسي وانقذني. لا اخزى لاني عليك توكلت‎.
20Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
21‎يحفظني الكمال والاستقامة لاني انتظرتك‎.
21Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.
22‎يا الله افدي اسرائيل من كل ضيقاته
22Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.