الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

28

1لداود‎. ‎اليك يا رب اصرخ يا صخرتي لا تتصامم من جهتي لئلا تسكت عني فاشبه الهابطين في الجب‎.
1Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yaamayska hoos ugu dhaadhaca.
2‎استمع صوت تضرعي اذ استغيث بك وارفع يديّ الى محراب قدسك‎.
2Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3‎لا تجذبني مع الاشرار ومع فعلة الاثم المخاطبين اصحابهم بالسلام والشر في قلوبهم‎.
3Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4‎اعطهم حسب فعلهم وحسب شر اعمالهم. حسب صنع ايديهم اعطهم. رد عليهم معاملتهم‎.
4Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.
5‎لانهم لم ينتبهوا الى افعال الرب ولا الى اعمال يديه يهدمهم ولا يبنيهم
5Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6مبارك الرب لانه سمع صوت تضرعي‎.
6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7‎الرب عزّي وترسي عليه اتكل قلبي فانتصرت. ويبتهج قلبي وباغنيتي احمده‎.
7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8‎الرب عزّ لهم وحصن خلاص مسيحه هو‎.
8Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
9‎خلّص شعبك وبارك ميراثك وارعهم واحملهم الى الابد
9Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.