1مزمور لداود. قدموا للرب يا ابناء الله قدموا للرب مجدا وعزّا.
1Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2قدموا للرب مجد اسمه. اسجدوا للرب في زينة مقدسة
2Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3صوت الرب على المياه. اله المجد ارعد. الرب فوق المياه الكثيرة.
3Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4صوت الرب بالقوة. صوت الرب بالجلال.
4Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay, Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5صوت الرب مكسر الارز ويكسر الرب ارز لبنان.
5Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah, Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6ويمرحها مثل عجل. لبنان وسريون مثل فرير البقر الوحشي.
6Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale, Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7صوت الرب يقدح لهب نار
7Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8صوت الرب يزلزل البرية يزلزل الرب برية قادش.
8Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada, Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9صوت الرب يولد الإيل ويكشف الوعور وفي هيكله الكل قائل مجد.
9Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka, Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa, Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10الرب بالطوفان جلس ويجلس الرب ملكا الى الابد.
10Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka, Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
11الرب يعطي عزّا لشعبه. الرب يبارك شعبه بالسلام
11Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.