الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

30

1مزمور اغنية تدشين البيت. لداود‎. ‎اعظمك يا رب لانك نشلتني ولم تشمت بي اعدائي‎.
1Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2‎يا رب الهي استغثت بك فشفيتني‎.
2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3‎يا رب اصعدت من الهاوية نفسي احييتني من بين الهابطين في الجب‎.
3Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yaamayska ugu dhicin.
4‎رنموا للرب يا اتقياءه واحمدوا ذكر قدسه‎.
4Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5‎لان للحظة غضبه. حياة في رضاه. عند المساء يبيت البكاء وفي الصباح ترنم
5Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6وانا قلت في طمأنينتي لا اتزعزع الى الابد‎.
6Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7‎يا رب برضاك ثبت لجبلي عزّا. حجبت وجهك فصرت مرتاعا‎.
7Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8‎اليك يا رب اصرخ والى السيد اتضرع‎.
8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9‎ما الفائدة من دمي اذا نزلت الى الحفرة. هل يحمدك التراب. هل يخبر بحقك‎.
9Bal markaan yaamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10‎استمع يا رب وارحمني يا رب كن معينا لي‎.
10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11‎حولت نوحي الى رقص لي. حللت مسحي ومنطقتني فرحا
11Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahad naqayaa.
12لكي تترنم لك روحي ولا تسكت. يا رب الهي الى الابد احمدك
12Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahad naqayaa.