1لداود. قصيدة. طوبى للذي غفر اثمه وسترت خطيته.
1Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2طوبى لرجل لا يحسب له الرب خطية ولا في روحه غش
2Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3لما سكت بليت عظامي من زفيري اليوم كله.
3Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4لان يدك ثقلت عليّ نهارا وليلا. تحولت رطوبتي الى يبوسة القيظ. سلاه.
4Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5اعترف لك بخطيتي ولا اكتم اثمي. قلت اعترف للرب بذنبي وانت رفعت أثام خطيتي. سلاه.
5Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6لهذا يصلّي لك كل تقي في وقت يجدك فيه. عند غمارة المياه الكثيرة اياه لا تصيب.
6Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7انت ستر لي. من الضيق تحفظني. بترنم النجاة تكتنفني. سلاه
7Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8اعلّمك وارشدك الطريق التي تسلكها. انصحك. عيني عليك.
8Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
9لا تكونوا كفرس او بغل بلا فهم. بلجام وزمام زينته يكم لئلا يدنو اليك.
9Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn, Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo, Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
10كثيرة هي نكبات الشرير. اما المتوكل على الرب فالرحمة تحيط به
10Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.
11افرحوا بالرب وابتهجوا يا ايها الصدّيقون واهتفوا يا جميع المستقيمي القلوب
11Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.