الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

33

1اهتفوا ايها الصديقون بالرب. بالمستقيمين يليق التسبيح‎.
1Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
2‎احمدوا الرب بالعود. بربابة ذات عشرة اوتار رنموا له‎.
2Rabbiga ugu mahad naqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
3‎غنوا له اغنية جديدة. احسنوا العزف بهتاف‎.
3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
4‎لان كلمة الرب مستقيمة وكل صنعه بالامانة‎.
4Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
5‎يحب البر والعدل. امتلأت الارض من رحمة الرب‎.
5Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
6‎بكلمة الرب صنعت السموات وبنسمة فيه كل جنودها‎.
6Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa, Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
7‎يجمع كندّ امواه اليم يجعل اللجج في اهراء‎.
7Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
8‎لتخش الرب كل الارض ومنه ليخف كل سكان المسكونة‎.
8Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
9‎لانه قال فكان. هو أمر فصار‎.
9Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay, Oo wuu amray, wayna adkaatay.
10‎الرب ابطل مؤامرة الامم. لاشى افكار الشعوب‎.
10Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
11‎اما مؤامرة الرب فالى الابد تثبت. افكار قلبه الى دور فدور
11Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
12طوبى للامّة التي الرب الهها الشعب الذي اختاره ميراثا لنفسه‎.
12Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13‎من السموات نظر الرب. رأى جميع بني البشر‎.
13Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14‎من مكان سكناه تطلّع الى جميع سكان الارض‎.
14Oo meesha isaga rugta u ah Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15‎المصوّر قلوبهم جميعا المنتبه الى كل اعمالهم‎.
15Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya, Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16‎لن يخلص الملك بكثرة الجيش. الجبار لا ينقذ بعظم القوة‎.
16Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17‎باطل هو الفرس لاجل الخلاص وبشدة قوّته لا ينجّي‎.
17Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo, Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18‎هوذا عين الرب على خائفيه الراجين رحمته
18Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19لينجّي من الموت انفسهم وليستحييهم في الجوع
19Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20انفسنا انتظرت الرب. معونتنا وترسنا هو‎.
20Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21‎لانه به تفرح قلوبنا لاننا على اسمه القدوس اتكلنا‎.
21Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.
22‎لتكن يا رب رحمتك علينا حسبما انتظرناك
22Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.