1لداود عندما غيّر عقله قدام ابيمالك فطرده فانطلق. ابارك الرب في كل حين. دائما تسبيحه في فمي.
1Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
2بالرب تفتخر نفسي. يسمع الودعاء فيفرحون.
2Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
3عظموا الرب معي ولنعلّ اسمه معا
3Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
4طلبت الى الرب فاستجاب لي ومن كل مخاوفي انقذني.
4Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
5نظروا اليه واستناروا ووجوههم لم تخجل.
5Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
6هذا المسكين صرخ والرب استمعه ومن كل ضيقاته خلصه.
6Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
7ملاك الرب حال حول خائفيه وينجيهم.
7Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada, Oo weliba way samatabbixisaa.
8ذوقوا وانظروا ما اطيب الرب. طوبى للرجل المتوكل عليه.
8Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
9اتقوا الرب يا قديسيه لانه ليس عوز لمتقيه.
9Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
10الاشبال احتاجت وجاعت واما طالبو الرب فلا يعوزهم شيء من الخير
10Aaranka libaaxa wax baa ka dhiman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
11هلم ايها البنون استمعوا اليّ فاعلّمكم مخافة الرب.
11Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12من هو الانسان الذي يهوى الحياة ويحب كثرة الايام ليرى خيرا.
12Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?
13صن لسانك عن الشر وشفتيك عن التكلم بالغش.
13Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14حد عن الشر واصنع الخير. اطلب السلامة واسع وراءها.
14Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
15عينا الرب نحو الصديقين واذناه الى صراخهم.
15Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
16وجه الرب ضد عاملي الشر ليقطع من الارض ذكرهم.
16Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
17اولئك صرخوا والرب سمع ومن كل شدائدهم انقذهم.
17Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
18قريب هو الرب من المنكسري القلوب ويخلص المنسحقي الروح.
18Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
19كثيرة هي بلايا الصدّيق ومن جميعها ينجيه الرب.
19Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
20يحفظ جميع عظامه. واحد منها لا ينكسر.
20Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, Oo middoodna ma jabna.
21الشر يميت الشرير ومبغضو الصدّيق يعاقبون.
21Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.
22الرب فادي نفوس عبيده وكل من اتكل عليه لا يعاقب
22Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.