1لداود. خاصم يا رب مخاصمي. قاتل مقاتليّ.
1Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
2امسك مجنا وترسا وانهض الى معونتي
2Gaashaan iyo gabbaad qaado. Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
3واشرع رمحا وصد تلقاء مطارديّ. قل لنفسي خلاصك انا.
3Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
4ليخز وليخجل الذين يطلبون نفسي. ليرتد الى الوراء ويخجل المتفكرون باساءتي.
4Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
5ليكونوا مثل العصافة قدام الريح وملاك الرب داحرهم.
5Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda, Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
6ليكن طريقهم ظلاما وزلقا وملاك الرب طاردهم.
6Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh, Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
7لانهم بلا سبب اخفوا لي هوّة شبكتهم. بلا سبب حفروا لنفسي.
7Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
8لتأته التهلكة وهو لا يعلم ولتنشب به الشبكة التي اخفاها وفي التهلكة نفسها ليقع.
8Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
9اما نفسي فتفرح بالرب وتبتهج بخلاصه.
9Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa, Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
10جميع عظامي تقول يا رب من مثلك المنقذ المسكين ممن هو اقوى منه والفقير والبائس من سالبه
10Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah? Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan, Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
11شهود زور يقومون وعما لم اعلم يسألونني.
11Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
12يجازونني عن الخير شرا ثكلا لنفسي.
12Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan Oo naftayda way gacal tiraan.
13اما انا ففي مرضهم كان لباسي مسحا. اذللت بالصوم نفسي. وصلاتي الى حضني ترجع.
13Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
14كانه قريب كانه اخي كنت اتمشى. كمن ينوح على امه انحنيت حزينا.
14Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
15ولكنهم في ظلعي فرحوا واجتمعوا. اجتمعوا عليّ شاتمين ولم اعلم. مزّقوا ولم يكفوا.
15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
16بين الفجار المجّان لاجل كعكة حرّقوا عليّ اسنانهم
16Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.
17يا رب الى متى تنظر. استرد نفسي من تهلكاتهم وحيدتي من الاشبال.
17Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
18احمدك في الجماعة الكثيرة في شعب عظيم اسبحك.
18Waxaan kaaga mahad naqi doonaa shirka weyn dhexdiisa, Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
19لا يشمت بي الذين هم اعدائي باطلا ولا يتغامز بالعين الذين يبغضونني بلا سبب.
19Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
20لانهم لا يتكلمون بالسلام وعلى الهادئين في الارض يفتكرون بكلام مكر.
20Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
21فغروا عليّ افواههم. قالوا هه هه قد رأت اعيننا.
21Afkoodii aad bay iigu fureen, Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
22قد رأيت يا رب. لا تسكت يا سيد لا تبتعد عني.
22Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.
23استيقظ وانتبه الى حكمي يا الهي وسيدي الى دعواي.
23Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
24اقض لي حسب عدلك يا رب الهي فلا يشمتوا بي.
24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.
25لا يقولوا في قلوبهم هه شهوتنا. لا يقولوا قد ابتلعناه.
25Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
26ليخز وليخجل معا الفرحون بمصيبتي. ليلبس الخزي والخجل المتعظمون عليّ
26Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
27ليهتف ويفرح المبتغون حقي وليقولوا دائما ليتعظم الرب المسرور بسلامة عبده.
27Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen, Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo, Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.
28ولساني يلهج بعدلك. اليوم كله بحمدك
28Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.