الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

36

1لامام المغنين. لعبد الرب داود‎. ‎نأمة معصية الشرير في داخل قلبي ان ليس خوف الله امام عينيه‎.
1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
2‎لانه ملّق نفسه لنفسه من جهة وجدان اثمه وبغضه‎.
2Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.
3‎كلام فمه اثم وغش. كف عن التعقل عن عمل الخير‎.
3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4‎يتفكر بالاثم على مضجعه. يقف في طريق غير صالح. لا يرفض الشر
4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.
5يا رب في السموات رحمتك. امانتك الى الغمام‎.
5Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6‎عدلك مثل جبال الله واحكامك لجة عظيمة. الناس والبهائم تخلّص يا‏ رب‎.
6Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7‎ما اكرم رحمتك يا الله. فبنو البشر في ظل جناحيك يحتمون‎.
7Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magan galaa hooska baalashaada.
8‎يروون من دسم بيتك ومن نهر نعمك تسقيهم‎.
8Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga, Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9‎لان عندك ينبوع الحياة. بنورك نرى نورا‎.
9Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10‎أدم رحمتك للذين يعرفونك وعدلك للمستقيمي القلب‎.
10Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan, Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11‎لا تأتني رجل الكبرياء ويد الاشرار لا تزحزحني‎.
11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen, Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.
12‎هناك سقط فاعلو الاثم. دحروا فلم يستطيعوا القيام
12Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen, Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.