1لداود. لا تغر من الاشرار ولا تحسد عمّال الاثم
1Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana u ka hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
2فانهم مثل الحشيش سريعا يقطعون ومثل العشب الاخضر يذبلون.
2Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
3اتكل على الرب وافعل الخير. اسكن الارض وارع الامانة.
3Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
4وتلذذ بالرب فيعطيك سؤل قلبك.
4Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
5سلم للرب طريقك واتكل عليه وهو يجري.
5Jidkaaga Rabbiga ku aamin, Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
6ويخرج مثل النور برك وحقك مثل الظهيرة.
6Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
7انتظر الرب واصبر له ولا تغر من الذي ينجح في طريقه من الرجل المجري مكايد.
7Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
8كف عن الغضب واترك السخط ولا تغر لفعل الشر.
8Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
9لان عاملي الشر يقطعون والذين ينتظرون الرب هم يرثون الارض.
9Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
10بعد قليل لا يكون الشرير. تطلع في مكانه فلا يكون.
10Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono, Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
11اما الودعاء فيرثون الارض ويتلذذون في كثرة السلامة
11Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan, Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
12الشرير يتفكر ضد الصدّيق ويحرق عليه اسنانه.
12Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
13الرب يضحك به لانه رأى ان يومه آت.
13Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga, Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
14الاشرار قد سلّوا السيف ومدوا قوسهم لرمي المسكين والفقير لقتل المستقيم طريقهم.
14Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
15سيفهم يدخل في قلبهم وقسيّهم تنكسر
15Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
16القليل الذي للصديق خير من ثروة اشرار كثيرين.
16Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
17لان سواعد الاشرار تنكسر وعاضد الصديقين الرب.
17Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
18الرب عارف ايام الكملة وميراثهم الى الابد يكون.
18Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda, Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
19لا يخزون في زمن السوء وفي ايام الجوع يشبعون.
19Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
20لان الاشرار يهلكون واعداء الرب كبهاء المراعي. فنوا. كالدخان فنوا.
20Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan, Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga, Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
21الشرير يستقرض ولا يفي واما الصدّيق فيترأف ويعطي.
21Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
22لان المباركين منه يرثون الارض والملعونين منه يقطعون
22Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
23من قبل الرب تتثبت خطوات الانسان وفي طريقه يسرّ.
23Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga, Oo jidkiisuu ku farxaa.
24اذا سقط لا ينطرح لان الرب مسند يده.
24Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono, Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
25ايضا كنت فتى وقد شخت ولم ار صدّيقا تخلي عنه ولا ذرية له تلتمس خبزا.
25Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay, Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey, Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
26اليوم كله يترأف ويقرض ونسله للبركة
26Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa, Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
27حد عن الشر وافعل الخير واسكن الى الابد.
27Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.
28لان الرب يحب الحق ولا يتخلى عن اتقيائه. الى الابد يحفظون اما نسل الاشرار فينقطع.
28Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29الصديقون يرثون الارض ويسكنونها الى الابد.
29Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
30فم الصدّيق يلهج بالحكمة ولسانه ينطق بالحق.
30Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
31شريعة الهه في قلبه. لا تتقلقل خطواته.
31Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa, Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
32الشرير يراقب الصدّيق محاولا ان يميته
32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
33الرب لا يتركه في يده ولا يحكم عليه عند محاكمته.
33Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo, Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
34انتظر الرب واحفظ طريقه فيرفعك لترث الارض. الى انقراض الاشرار تنظر
34Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji, Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho, Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
35قد رأيت الشرير عاتيا وارفا مثل شجرة شارقة ناضرة.
35Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
36عبر فاذا هو ليس بموجود والتمسته فلم يوجد.
36Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag, Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
37لاحظ الكامل وانظر المستقيم فان العقب لانسان السلامة.
37Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman, Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
38اما الاشرار فيبادون جميعا. عقب الاشرار ينقطع.
38Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan, Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
39اما خلاص الصديقين فمن قبل الرب حصنهم في زمان الضيق.
39Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga, Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa, Maxaa yeelay, isagay magan galeen.
40ويعينهم الرب وينجيهم. ينقذهم من الاشرار ويخلصهم لانهم احتموا به
40Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa, Maxaa yeelay, isagay magan galeen.