1مزمور لداود للتذكير. يا رب لا توبخني بسخطك ولا تؤدبني بغيظك
1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2لان سهامك قد انتشبت فيّ ونزلت عليّ يدك.
2Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
3ليست في جسدي صحة من جهة غضبك. ليست في عظامي سلامة من جهة خطيتي
3Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis, Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
4لان آثامي قد طمت فوق راسي. كحمل ثقيل اثقل مما احتمل.
4Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
5قد انتنت قاحت حبر ضربي من جهة حماقتي.
5Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin, Waana nacasnimadayda daraaddeed.
6لويت انحنيت الى الغاية اليوم كله ذهبت حزينا.
6Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
7لان خاصرتي قد امتلأتا احتراقا وليست في جسدي صحة.
7Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
8خدرت وانسحقت الى الغاية. كنت أئن من زفير قلبي
8Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
9يا رب امامك كل تأوّهي وتنهدي ليس بمستور عنك.
9Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
10قلبي خافق. قوتي فارقتني ونور عيني ايضا ليس معي.
10Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
11احبائي واصحابي يقفون تجاه ضربتي واقاربي وقفوا بعيدا.
11Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan, Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
12وطالبو نفسي نصبوا شركا والملتمسون لي الشر تكلموا بالمفاسد واليوم كله يلهجون بالغش
12Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan, Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun, Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
13واما انا فكاصم. لا اسمع. وكابكم لا يفتح فاه.
13Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la', Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
14واكون مثل انسان لا يسمع وليس في فمه حجة.
14Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin, Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
15لاني لك يا رب صبرت انت تستجيب يا رب الهي.
15Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa, Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
16لاني قلت لئلا يشمتوا بي. عندما زلت قدمي تعظموا عليّ.
16Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
17لانني موشك ان اظلع ووجعي مقابلي دائما.
17Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
18لانني اخبر باثمي واغتم من خطيتي.
18Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa, Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
19واما اعدائي فاحياء. عظموا. والذين يبغضونني ظلما كثروا.
19Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
20والمجازون عن الخير بشر يقاومونني لاجل اتباعي الصلاح.
20Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
21لا تتركني يا رب. يا الهي لا تبعد عني.
21Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.
22اسرع الى معونتي يا رب يا خلاصي
22Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.