الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

39

1لامام المغنين. ليدوثون. مزمور لداود‎. ‎قلت اتحفظ لسبيلي من الخطأ بلساني. احفظ لفمي كمامة فيما الشرير مقابلي‎.
1Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa, Si aanan carrabkayga ugu dembaabin, Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2‎صمتّ صمتا سكتّ عن الخير فتحرك وجعي‎.
2Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa, Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3‎حمي قلبي في جوفي. عند لهجي اشتعلت النار. تكلمت بلساني‎.
3Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4‎عرفني يا رب نهايتي ومقدار ايامي كم هي فاعلم كيف انا زائل‎.
4Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5‎هوذا جعلت ايامي اشبارا وعمري كلا شيء قدامك. انما نفخة كل انسان قد جعل. سلاه‎.
5Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6‎انما كخيال يتمشى الانسان. انما باطلا يضجّون. يذخر ذخائر ولا يدري من يضمها
6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7والآن ماذا انتظرت يا رب. رجائي فيك هو‎.
7Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8‎من كل معاصيّ نجني. لا تجعلني عارا عند الجاهل‎.
8Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi, Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9‎صمت. لا افتح فمي لانك انت فعلت‎.
9Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin, Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10‎ارفع عني ضربك من مهاجمة يدك انا قد فنيت‎.
10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11‎بتأديبات ان ادبت الانسان من اجل اثمه افنيت مثل العث مشتهاه‎. ‎انما كل انسان نفخة. سلاه‎.
11Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed, Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale, Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12‎استمع صلاتي يا رب واصغ الى صراخي. لا تسكت عن دموعي. لاني‏ انا غريب عندك. نزيل مثل جميع آبائي‎.
12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
13‎اقتصر عني فاتبلج قبل ان اذهب فلا اوجد
13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.